Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Sumad: SF/PL1/DEC12.97
Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyadda Somaliland
Taariikh: 12 Diisambar 1997
Uj: Xilgabidda halbowlayaasha kor ku xusan
Annaga oo ah muwaadiniinta reer Somaliland ee magacyadoodu hoos ku taxanyihiin, kuna kala sugan cidhifyada adduunka, maaddaama aanu jirin mucaarad sharciyaysan oo tilmaama gol-daloolooyinka dawladda iyo halka xagaldaacu ka muuqdo, waxaannu doorbidnay inaannu soo gudbinno dhawr canaanood oo ku waajahan sida dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u siddo xilka shacbigu ula hawooday. Iyo talooyin aanu rajaynayno inay faa’iidooyin keeni doonaan.
Ahmiyadda I aad:
Ahmiyaddayada koowaad waa in aannu halbowlayaasha JSL ee kor ku xusan usoo bandhigno:-
1.Walaacayaga I aad:
Muddadii ka dambaysay khudbaddii madaxwaynaha JSL ku codsaday in la sameeyo guddi ka doodda jiritaanka Somaliland, waxa ummadda reer Somaliland walaac geliyey meel kasta oo ay joogaanba jahada uu maamulka Somaliland oo uu hormuud ka yahay madaxwayne Cigaal ay u hogaaminayaan Ummadda iyo wadanka ay xilka u hayaan. Waxa madmadow gashay daacadnimadoodii qarannimo. Waxa isweydiin joogto ah noqotay; Cigaal, Golayaasha Guurtida/Wakiilada iyo maamulku gebi-ahaan ma-yihiin dar rumaysan qaddiyadda iyo gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland ?.
Bal haddaba maamulyahow “istaagga, jiritaanka, muuqashada iyo nolosha jamhuuriyadda Somaliland waa mid ay go’aankeeda gooyeen shacbiga JSL”. Mana-noqonkaro go’aankaasi mid guddi, ruux iyo madaxweyne midnaba beddelikaraan amaba dood iyo dacwad ka furi karaan. Cidkasta oo su’aal arrinkaas kasoo jeedisaana waxay burinaysaa Go’aankii Burco 27kii April - 15kii May 1991, Axdi-Qarameedkii Boorame 1993 iyo Dastuurka(Qodobka I aad, Xubintiisa II aad)u yaalla Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxwayne Cigaal iyo maamulkiisa waxa loo xilsaaray inay; u adeegaan bulshada si loo daboolo baahida dhaqaale, waxbarasho, caafimaad, nabadgelyo. Inay; aqoonsi u raadiyaan wadanka (Somaliland), saamaxaan abuuritaanka saxaafad madax banaan. Inay maamulka wadanka wada gaadhsiiyaan iwm, taasoo laga filayay in xukuumaddu ugu tafaxaydato si hagarla’aan ah.
Waxaan marnaba loo igman dawladda Cigaal iyo maamulka Somaliland guud ahaanba inay furaan dood lagaga wada hadlo jiritaanka Somaliland, taas oo ku xad gudbaysa sharciga wadanka u yaala.
Waxa ay noola muuqataa in maamulka guud ee Somaliland, Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada iyo madaxwayne Cigaal ay gutaan waajibkooda loo doortay. Waa in maamulka wadanku noqdaa mid fida oo daboola dhammaan xuduudaha Jamhuriyadda. Madaxwaynaha waxa saaran waajib in uu tago oo xilkiisa ka soo guto dhamaan xuduudaha Jamhuriyada.
Waa in dhisitaanka axsaabta siyaasadda la unkaa. Waa in dhaqdhaqaaqa loogu jiro aqoonsi-doonka JSL noqdaa mid firfircoon oo midho dhalinkara. Waa in dawladdu xidhiidhisaa oo la-tashi, caawimo iyo wadashaqayn intaba ka raadsataa aqoonyahanada, indheergaradka, dhalinta iyo dhammaan shacbiga reer Somaliland ee debedaha jooga.
2.Ahmiyadda II aad:
Ahmiyaddayada labaad waa in aannu halbowlayaasha JSL ee kor ku xusan usoo bandhigno:-
3.Walaacayaga II aad:
Sida ay muujinayaan ifafaalooyin badan oo imika in door ah kasoo baxayay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, gaarahaan caasimadda dalka ee Hargeysa, waxa muuqata in la caadaystay musuqmaasuqa, luminta hantida qaranka iyo qaadashada laaluushka. Tallaabooyinkan xaaraanta ah oo ah dar dhaawac aad u weyn gaadhsiinaya sumcadda, dhaqaalaha, danyarta iyo heemaalka dalkeenna oo dhan waxaad mooddaa in halkii dawladdu ay ka xayirilahayd ay noqotay dallaayad hadoodisha oo dadka u aabbaha ah falalkan badankooduba noqdeen masuuliyiin sare, dhexe iyo hoose oo dawladda ka tirsan.
Arrintani maaha tusmo iyo hormuud uu shacbigu uga fadhiyay dawladda dalka loo xilsaaray, mana-aha arrin muwaadinka reer Somaliland debed iyo gudo-toona ka aamusikaro. Waxaannu marti uga nahay xukuumadda:
* In la xayiro dhalashada, fiditaanka iyo kobcinta musuqmaasuqa.
* In dawladdu noqoto mid sida muraayadda nadiif ah oo shacbigu eegikaro, kana bogankaro dhaqdhaqaaqkasta oo socda.
* In fusuqa oo had iyo jeer ah mid aan ka dheerayn maamulxumada, musuqmaasuqa iyo wax-isweydaarintu noqdo mid dabargoyntiisa ahmiyad xoog ah la siiyo. Lana xoojiyo laguna dhaqmo sharciyada ciqaabta dadka laalushka qaata iyo kuwa cuna hantida qaranka.
* In dadka la tuso laalushka iyo tuugada hantida qaranku in ay hordhac u tahay xukun xumo iyo tusmo xukun la’aaneed.
4.Walaacayaga III aad:
Saxaafaddu waa indhaha shacbiga, waa dareenka lixaad ee doortaha gaadhsiiya falalka mudanaha uu doortay ku dhexjiro. Waa aalad u saamaxda shacbiga inay kala arkaan ruuxa dantiisa ugu gabbanaaya xafiiska qaranka iyo muwaadinka daacadda ah. Xuquuqda saxaafadda ee JSL waxa qeexay oo ka dhigay mid xaq sugan leh dastuurka(Qodobka 51 aad, Xubintiisa II aad) waddanka.
Sida noo cad beryahan dambe dawladda Somaliland oo aad mooddo inay fasax ka qaadatay ahmiyadihii dhabta ahaa ayaa waxay hooska-tuur joogto ah yeesheen saxaafadda. Iyadoo ay u muuqato in dawladdu marar badan illaawayso danta jiritaanka saxaafadda ayaa waxa soo baxaya cabudhin gooniya oo lagula kacayo qorayaasha iyo warfidiyayaasha jaraa’idka.
Arrinkani wuxu nagu abuuray walaac gooniya oo aannu ka fursanweynay inaannu soo bandhigno. Siday noola muuqato, iftiinka waxa ka gabbada oo keliya ruux wax uu qarinayo isku og, dawladdu ma-cabudhinkarto saxaafadda, sababtoo ah saxaafaddu waa codka muwaadinka, danyarta iyo bulshada guudahaanba, cidkasta oo afxidh kula-daashaana waa cid waxay qariso u diyaar ah.
Waa loo baahanyahay sharci ilaaliya sirta qofnimo, nabadgelyada qaranka iyo waxyaabaha xaasaasiga ah oo dalka dantiisu ku tiirsantahay, haseyeeshee cabudhinta saxaafadda si loo ilaaliyo masuul khaldamay, hanti luntay, maamul qaloocsamay iwm maaha mid u cuntamaysa muwaadiniinta dalka debed iyo gudoba.
Gunaanad:
Inkasta oo aynu ku jirro wakhti adag, inkasta oo tamarta dawladdu tahay mid laga warhayo, inkasta oo duruufi keenikarto go’aamada qaarkood, haddana dhammaan walaacyada iyo gol-daloolooyinka kor ku xusani maaha dar aannu ka filaynay ugana fadhinayn dawladda Somaliland.
Shacbigu wuxu dawladyahay kaaga fadhiyaa dantii uu kuu igmaday, canaanta iyo walaaca shacbiguna way sii siyaadayaan marka waxqabadla’aanta dawladdu sii korodhoba.
Waad Mahadsantihiin.
Somaliland Forum
1) Yuusuf Suldaan Cali ….. New Jersey USA.
2) Cabdillaahi Cawad Cige, Liverpool, UK.
3) Jaamac Ismaaciil Barre, Dallas, USA.
4) Yaasmiin Cabdiraxmaan Maxamed, Windsor, Canada.
5) Maxamuud Nuur Xirsi, Abu Dhabi, UAE.
6) Jamaal Gaboobe, Seattle, USA.
7) Yaasiin Xasan Cabdillaahi Jaamac, Tennessee, USA.
8) Jamaal Cali Xuseen, Boston, USA.
9) Suleemaan Sultan Cabdillaahi Sultan, Tennessee, USA.
10) Ibraahim Sultan Cabdillaahi Sultan, Tennessee, USA.
11) Ismaaciil Jirde, Coon Rapids, USA.
12) Rashiid Gaaruf Nuur, Centerville, USA.
13) Maxamed Saleebaan Faarax, Hamilton, Canada.
14) Mursal Jibriil Ducaale, Arlington, USA.
15) Cabdi Good Muuse, Connecticut, USA.
16) Saalax Daahir Barre, Illinois, USA.
17) Maxamed Axmed Jaamac (Saxar), Newbrunswick, Canada.
18) Maxamuud Yuusuf, Alexandria, USA.
20) Xasan Cumar Xaaji Cabdulla, Chicago, USA.
21) Cabdisamad Cali Cabdi, Atlanta, USA.
22) Cabdiraxmaan X. Ismaaciil, Hawally, Kuwait.
23) Cali M. Xirsi Perth, Anstralia.
24) Faysal Cumar Cali, Oslo, Norway.
25) Kayse Yaasiin Faarax, Richmond, USA.
26) Cabdi Cabdillaahi Ibraahim, Lule, Sweden.
27) M. A. Xaaji Maxamed, Sidney. Australia.
28) Nuura A. Xaaji Nuur, Toronto, Canada.
29) Maxamed Cumar, Seattle, USA.
30) Axmed Qani Samatar, Toronto, Canada.
31) Cusmaan Sh. Ciise, Toronto, Canada.
32) Cabdiqaadir Ibraahim, Melbourne, Australia.
33) Burhan Yuusuf Aadan, Alexandria, USA.
34) Ibraahim Ismaaciil Axmed, Southampton, UK.
35) Maxamed Xassan Nuur, Centreville, USA.
36) Faarax Axmed Xirsi, Toronto, Canada.
37) Xasan Cabdi, Himilton, Canada.
38) Mustafe Cali Jaamac, New York, USA.
39) Maxamed Diiriye Cabdillaahi, Montreal, Canada.
40) Maxamed Xasan Cali, Toronto, Canada.
41) Jamaal M. Xasan, Washington, USA.
42) Maxamuud Cabdillaahi Axmed, Washington, USA.
43) Cabdisalaan Jaamac Baaruud, Washington, USA.
44) Xasan Maxamed Xoorreh (Xasan-Xoog), London, UK.
45) Maxamuud Maxamed Xoorreh (Cammuudo), London, UK.
46) Mustafe Saalax X. Xasan, London, UK.
48) Cali Cabdi Jaamac, London, UK.
49) Siciid Cabdiraxman Sh. Cali, Detroit, USA.
50) Maxamed Xasan Khaliif Dhuxul, Ann Arbor, USA.
51) Maxamed Jaamac Ismaaciil, Toronto, Canada.
52) Maxamed I. Kaahin, Toronto, Canada.
53) Iimaan Maxamuud Iimaan, Hamilton, Canada.
54) Ayaan Maxamuud Iimaan, Hamilton, Canada.
55) Ismaaciil Axmed Daahir, Toronto, Canada.
56) Ibraahim Cali Bootaan, Toronto, Canada.
57) Khadra Ismaaciil Biixi, Toronto, Canada.
58) Naasir Xuseen Kaahin, Toronto, Canada.
59) Guuleed Xuseen Kaahin, Toronto, Canada.
60) Ifraax Ciise Yuusuf, Ottawa, Canada.
61) Faarax Khayre, Toronto, Canada.
62) Jawaahir Cabdi Muraase, Missassuge, Canada.
63) Cabdifataax Axmed Jaamac, Toronto, Canada.
64) Maxamed Xasan Cali, Toronto, Canada.
65) Cabdiqaadir Khayre Cilmi, Albanny, USA.
66) Axme Naasir Ismaaciil, Toronto, Canada.
Rashiid Garuf Noor,
Somaliland Forum
Virginia, USA
President’s Egal’s response to Somaliland Forum
Republic of (Seal of Somaliland) Somaliland
The President
Ref:————– Date: January 1, 1997
Ku: Mr. Rashid Garuf Noor
iyo dad 65 ah oo uu sheegtay
in ay warqadan la qoreen.
Fax#: 001-703-818-0711
Ka: Maxamed Ibrahim Cigaal
(saxeexa madaxweynaha)
Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland
Kuma arag warqadii ad Golayaasha u soo dirtay wax iga mudan jawaab iyo soo qaad toona. Waxay kulegeed ahayd edeb daro iyo yooyaalan ku gaf ah xildhibaanada iyo odayaasha Qarankani egmaday. Taasoo shareecada Ilaaheen dhaafsan, Xeerka bini-aadamku ku wada dhaqmona aan ku jirin. Dadka ad magacyadooda soo qortay oo aanan garanayn intooda badan ayaan jawaabtan isugu kalifayaa damac an ka qabo in dadkaas qaarkood beenta ad ku qortay warqada ay kaa rumaysteen oo ay ku moodeen wadani alla yaqaan oo dan caam ah daafacaya, kuwaas oo u baahan una haraadan in ay ogaadaan runtu waxay tahay, iyo meesha loo socdo iyo waxa uu dalkoodii iyo dadkoodii ku aadan yahay ayey jawaabtaydu u socotaa oo aanan adiga kugu halaynayn in ad iga gaashsiiso.
Jaalle. Magac aanan anagu isugu yeedhin oo kuu qalma ayaan kuugu yeedhayaaye: Jaalle, saaxiibadaa ayaan weli ka soo miiraabin fajecii ku dhacay oo an ku wargilinin, arrinta wada wadeen way dhammaatay. Ruwaayadiinii “been been ku barakiciya” waa la fahmay waana la soo afjaray. Jamhuriyada Somaliland, shacbigeeda iyo Golayaadheeduba way shireen waanay sugeen meesha loo socdo, waxa la rabo iyo sida lagu gaadhayo oo dhan. Waa la idinku gartay siyaasaddiinii ku dhisnayd “Wadani isaga dhig oo wadada ka lumi”, Waxa qudha ee aan weli garanini waxa weeye maxaa idiinka faa’iido ah dakanada dadkiina iyo dalkiina.
Ujeedada ay Jamhuriyadda Somaliland leedahay ee dadkeeduna ku wada socdaa, kuna heshiis yahay, oo uu wadajir isugu aaminsan yahay waa baadidoonka ictiraafka Jamhuriyada Somaliland oo Madax banaan oo xornimadeeda sharaf iyo cisi huwan oo Qaramada adduunka ka mid ah kuna leh dhexdooda qiime iyo qadar laga haybadaysto oo loo habrado. Waataa wadadayadu waanu ku taaganahay anagoo xawli dheer iyo moosin ku socona, jabadkii anu degi lahayn ee anu laba-daryaalihii ka dhisi lahayna waa noo muuqdaa. Wixii maamulku Golayaasha u hor geeyeyna ma ahayn, sida aa isku daydeen in aa u bedeshaan “Goosashadii ma ka noqonaa”, ee waxay ahayd xeelada iyo tabcooyinka cadowga aynu ka tashano sidaynu uga guulaysan lahayn. Taana waa laga tashaday oo waxa la qorsheeyey stratiijiyooyin lagaga hortago cadowga gudaha iyo ka debeda, mid diir cad ama diir cas ama diir madow.
Jaalleyaal waa la is ogaaday, dibna la isu dhakrimaayo ama dadkiina soo raaca ama sawaxanku ha iddiin sabab noqdo. Hadal kaygani wuu kaa cadhaysiin doonaa ee markaad isla madax martid cadhadaas, akhri suurada Al Baqra ee Qur’aanka ayaadaha 203,204 iyo 205. Allana ha ku garadsiiyo hana kugu anfaco haday hanuuno eebe kuu qoran tahay.
Allaa Mahadleh, (stamp of the president of Somaliland)
January 7, 1998 letter to President Egal
Bismillahi Rahmani Raheem (in Arabic)
Ku : Maxamed Ibraahim Cigal
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Ka: Golah Somaliland
January 7, 1998
Mudane Madaxweyne,
Dhambaalkaagii (Janaury 1, 1998) ee aad ku soo hagaajiseen Rashid Garuf ee ka jawaabayey waraaqdii aanu idiin soo qoray (December 30, 1997) wuu na soo gaadhay. Fariinta aad ka hesheen Rashiid waxay ahayd mid loo xil saaray inuu idiin soo gudbiyo oo keliya. Ujeeddada waraaqdayaduna waxay ahayd mid ku salaysan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland (eeg lifaaqa warqaddan la socda). Isla markaana aanu soo wargelino maamulka waddanka inaanu diyaar u nahay ka qayb qaadashada dhismaha waddanka ha ahaato waxbarasho, dhaqaale, caafimaad, baraarujin iyo ilaalinta jiritaankiisaba. Waxay kaloo ujeedadeedu ahayd inaanu u soo jeedino maamulka Jamhuriyadda Somaliland wixii dhaleeco ah ee annaga noo muuqdey.
Waxaanu filayney inaad naga soo qancisaan walaacyadii ku taxnaa dhambaalkayagii, oo aad qaboojisaan wixii hammi ahaa ee nagu jiray, oo sida ixtiraamka iyo sharaftu ku jirtey ee aanu idiinla soo xidhiidhnay aad noogu soo jawaabtaan. Nasiib darrose, waxaad cay iyo aflagaado huwiseen Rashiid Gaaruf oo eeddiisa keliyihi ay ahayd inuu soo gudbiyo fariin ay soo diyaariyeen dhammaan saxeexayaasha warqaddaasi.
Mudane Madaxweyne, waxa aanu nahay muwaadiniin isku kaashaday, diyaarna u ah in waxa awoodayada ah aanu ku caawino wadankayaga, dhinac kasta oo aanu wax ka tari karnaba. Ma nihin dad isu urursaday in ay mucaarad ku noqdaan xukuumada Somaliland, Guurtida iyo Wakiillada, kuwaas oo dhamaantood naga mudan sharaf iyo maamuus. Mana nihin kuwa u ordaya kursi ama tartan ugu jira maamulka Somaliland. Mana nihin dad ka soo hor jeeda Somaliland. Waxa isu kaaya keenay waa danta Jamhuriyada Somaliland. Waxaanu rajaynaynaa in aad noo aragtaan muwaadiniin rabta in ay idinkala shaqeeyaan sidii wadankooda loo hor marin lahaa. Iyadoo Somaliland ku jirto marxalad aad xasaasi u ah waxa aanu diyaar u nahay wixii waajibaad ah ee wadanka aanu u qaban karno gudashadooda. Waxayna guul weyn u tahay dadka reer Somaliland in dadkoodii dibadaha joogay si wada jir iyo isku duubnaan ah ugu guntayaan inay dalkooda wixii karaankooda ah talo, tusaale iyo tabarucba ku biiriyaan. Inkasta oo mudada uu uruukayagu jiraa ay aad u gaaban tahay, haddana, waxtarkayagu, inkastaba ha le’ekaadee, waa markhaati ma doonto.
Mudane Jamaal Cali Xusseen, oo waqtigan xaadirka ah Hargeysa ka wada hawl tabaruc ah, wuxuu kamid yahay urukan, hawluhuu wadaana waxay kamid yihiin hawlo ay xubnaha urukani ka qaybqaateen jaangoyntooda iyo maal gelintoodaba.
Suuradaha aha Qura’aanka ee aad noo soo daliilisayna waa kuwa ku wada waajib ah ummadda Islaamka.
Waxaanu rajaynaynaa in dhambaalkani uu inoo bilaabo xidhiidh wanaagsan oo wax wada qabsi ah, wax tarna u leh Jamhuriyada Somaliland. Hawl balaadhan ayaa sugaysa muwaadiniinta Jamhuuriyada Somaliland meelkasta oo ay joogaanba, waxanu diyaar idiinla nahay in xilka badhkayaga aanu gudano. Walaacayagiina taasuun buu gunta ku hayey.
GOLAHA SOMALILAND
QAYBAHA DASTUURKA EE UU KU SALAYSNAA DHANBAALKU
QAYBTA KOWAAD
Xubinta 2aad - Qodobka 11aad waana sidan:
“Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyada Somaliland waxa SALDHIG u ah TALO-WADAAG, DIMUQRAADIYAD, iyo hanaanka xisbiyada badan.
Xubinta 3aad oo ah Xuquuqda Qofka, Xorriyadda Aasaasiga ah iyo Waajibaadka Saaran Muwaadinka
Qodobka 38aad
- Xorriydda Is-Abaabulka
1. Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay habeeyaan ururro siyaasadeed, CILMIYEED, DHAQAMEED, BULSHEED, xirfadeed, ama kuwo shaqaale si waafaqsan qanuunka.
Qodobka 48aad
XORRIYADDA BANNAANBAXA IYO RA’YI DHIIBASHDA
1. Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo Hadal, Muuqaal, Suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.
Mudane Madaxweyne saddexdayaddii walaacna sidoo kale ayeey Dastuurka u yaalla JSL ugu tiirsanyihiin.
WALAACII 1aad
QAYBTA Kowaad - Xubinta 3aad- Qodobka 53aad: WAAJIBAADKA MUWAADINKA
1. Muwaadin kasta waxa waajib ku ah, adkaynta midnimada ummadda, Ilaalinta jiritaanka qranimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan xeerka.
QAYBTA Kowaad - Xubinta 1aad - Qodobka 2aad: DALKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND.
1. Dhulka Qaranku waa MUQADDAS; waana laguma XAD GUDBAAN
WALAACII 2aad
QAYBTA Kowaad
Xubinta 2aad - Qodobka 13: DHAQAALAHA DALKA
2. Iyadoo la dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama uruurto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwa wax haysta iyo kuwa aan wax haysan: si aanay u balladhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa DAWLDAA JSL XAQIIJINAYSAA IN ADEEGYADA BULSHO IYO FURSADAHA DHAQAALE SI CADDAALAD IYO SINAAN AH LOO QAYBIYO
Qodobka 15aad - HANTIDA GUUD.
1. Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo hantida guud waa WAAJIB SAARAN DAWLADDA iyo muwaadiniinta, waxyeelada loo geystana XEERKA AYAA LAGAGA ABAAL MARINAYA.
QAYBTA Kowaad
Xubinta 2aad - Qodobka 20aad - WAXBARASHDA
1. DAWLDDU waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta, ballaadhinta iyo faafinta cilmiga iyo tacliinta.
QAYBTA Kowaad
Xubinta 1aad - Qodobka 5aad : DIINTA
4. DAWLADDU waxay oogaysaa shaca’rta Diiniga ah, sida Bicsada Xajka; waxaanay ka hor tegaysa ANSHAX XUMADA.
WALAACII 3aad
QAYBTA Kowaad
Xubinta 3aad - Qodobka 51aad: XORRIYADDA SAXAFADDA & WARBAAHINTA
1. Saxafadd iyo warbaahintu waxay ka mid yihiin XORRIYADDA AASAASIGA ah ee RA’YI DHIIBASHADA, waxaanay leeyihiin MADAX-BANAANIDOODA; way REEBAN TAHAY TALLAABO KASTA OO LAGU CABUDHIYO: hawshooda xeer baa nidaamiya.
Othman Sheikh Issa
Somaliland Forum
Toronto, Canada
Copyright © 1997 Somaliland Forum - All rights reserved
For more information please contact us at somalilandforum@somalilandforum.com
President Egal’s Second Response
REPBULIC OF SOMALILAND
The President
Date: Jan 10, 1998
Hargeisa
Ku: Othman Alsheikh Issa
Fax #: 416-246-9293
Ku: Yuusuf Sulan Cali
Fax #: 908-582-47748
Ka: Maxamed Ibrahim Cigaal
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Waan helay laba warqadood oo aad ii soo kala dirteen oo midna 8dii bisha ku taariikhaysnayd midna 9kii, laakiin waxa ku qornaa isku mid ahaayeenn. Jawaabtii aan idiinka soo diray warqadiinii hore sidii ay iiga timid ayaan weli u qabaa, oon aaminsanahay inay ahayd. Warqadiinan dambe waxaad moodaa in ay si tii hore ka duwan u qoran tahay. Markaa hadda waxaan idiinla soo hadlayaa si Madaxweyne la hadlaya dadkii uu madaxa u ahaa oo ay talooyin iyo tusaale is waydaarsanayaan ayadoo tii hore aanay sidaa ahayn.
Marka u horraysa waxan idiin sheegayaa waraaqo rasmigya oo sharci lagu wado hadlayo sida warqadiinu u dhigan tahay looma qoro. Nin waliba gurigiisa intuu fadhiisto laba, saddex afaar xaashiyadood magacyo waa ka soo buuxin karaa oo wuu ka dhigi karaa ra’yi isaga u khaasa oo kelidii ku kooban inuu u nisbeeyo jamaaco aan jirin. Waraaqaha caynkaasa xeerkooda iyo sharcigoodu wuxuu yahay iney in wada joogta oo wada hadashay oo guddoon wada gaadhay ay wax wada qortaan dabeetona wada saxeexaan, dabeetona sidaa ay ugu gudbiyaan cidday u socoto. Haddii telecommunication-ka casriga ahi idiin hawlyareeyey inaad afarta koone ee dunida ka wada hadashaan oo guddoon ku wada gaadhaan, taasi idinkama reebayso baahida loo qabo in uu ra’yiga Jamaacadda loo nisbaynayaa cad yahay inuu jameecadda ka wada yimid. Markaas intii meel wada degganba inay ra’yi la isku wada og yahay oo si u wada dhigan meeshooda ku saxeexaan kana soo diraan. Shakigan iga muuqda waxa u sababa inaa rag aad warqaddan ku soo qorteen magacyadooda aan ka hayo fax-yo i leh warqadaa magacaygu ku qornaa waxba kama ogin, kamana war qabno, sidaa daraadeed warqad dambe oo aan saxeexnayn wuxuunaan u qaadanayaa in ninka soo saxeexay oo qudha ay ka socoto.
Haddii aan dhaafo intaas oo tusaale iga ahayd loona baahnaa, waxaan doonayaa inaan idin ogaysiiyo in balaayadii ku dhacday dalkeena iyo dadkeenaba ay sababtay in dad badan oo Somaliland u dhashay oo waxa ay maanta ku aadan tahayna cilmi, xirfo iyo waayo aragnimaba wax kaga qaban kari lahaa iney dibedda ku maqan yihiin. Dadkaas ra’yigooda, taladooda iyo tamartoodaba waa loo baahan yahay, waananu soo dhawaynaynaa ciddii isku xilqaanta iney soo gudbiso ra’yi waxtar wixii ay awoodi karaanba. Ilaa maanta, ma hayno taas, waxa qudha eenu aragnaa dad iska daa cudur Somaliland yaalla oo ay wax ka qabtaane, dadka dibedda jira baa cudurka Somaliland yaalaa ka yimaadaa, oo dabeeto la soo geliyaa Somaliland. Cuduradaas oo ka kooban ficiltan qabaa’il, ka kooban qof diid, ka kooban aniguunbaa talin kara, intuba dibedday nagaga timaadaa markaanu kii dalka yaalay tirnay oo baab’inay. Waxan habeen dhawayd “Satellite” TV-ga Dubai, ka daawanayey “Group Discussion” laga sameeyey arrinka Soomaaliya.
Waxay ahayd “Telefoon session” intii aan daawanayey program-kaas telefoono 20 gaadhaya ayaa Satellite-kii ku soo dhacay oo laba qof mooyaane intooda kale Somali ahayd. Dadkaas telefoonka soo dirayey oo dhami waxay ahaayeen dad jiritaanka Somaliland ka soo horjeeda oo ka doodaya oo aan ogolayn, asagoo qof waliba “warlord”-da mid ka mida ayidaya oo ra’yigiisa faafinaya. Qof qudha oo Somaliland ah oo hadalkaa wax ka difaacaya ama Somaliland uga hadlay ma jirin. Waxa mutacalimiin iyo dad inagaga dhaqan Imaaraadka khusuusan Dubai-na waad ogtihiin, idinka dadkiina North America iyo Yurub deggan weli kama aanu maqlin wax difaac iyo u damqasho Somaliland ah. Nin la yidhaahdo Abdirizak Hashish ayaa 94kii iyo 95kii dedaali jirey oo xidhiidh toosa nala lahaan jiray marna world-net-ka ka sameeyey “Somaliland site” isaguna waxa uu u eeg yahay nin caajisay oo iskaga hadhay u-dan-seegii Somaliland.
Waxaan walaalayaal idiin sheegayaa wadaninimadu ma aha marka aad wax caayayso eed wax caaridayso oo qudha. Waxa ku soo qorteen warqadiinii hore musuq-maasug baa Somaliland ka jira oo dawladda iyo Golayaashu u aabo tahay. Ragga aad sheegaysaan ee aad musuqmaasuq ku tilmaamaysaan waa inta qudha ee Somaliland ugu shaqaynaysa dan-seeg iyo tabaruc ay naftooda ku tabaruceen. Waxay ku shaqeeyaan waxan ku tilmaami karo kabo li’i, maalin qad iyo maalin quuda. Ma taalo Somaliland wax la musuqmaasuqaa iyo wax la isku caaridaa toona. Waxa la hayaa dal dhis, dad heshiisii iyo dhaqankii iyo cudurkii faqash oo bulshada laga maydho, weli maynu gaadhin wakhti aynu is caaridno oo ay timaado ra’yi la isku khilaafsan yahay. Waxan markaa idiinkula talin lahaa intaa war-xumo tashiil dhagaha u raaricinaysaan inaad dalkiina waxa ka jira hoos u ogaataan oo inta u shaqaynaysa wax kasta kartidoodu ha noqotee aad aflagaadada iyo ceebaynta kala xishootaan.