PRESS RELEASE BGH/SF103
Bismillaahi Raxmani Raxiim June 23, 1999
Salaan sharaf leh ka dib, dhambaalkan waxaanu u diraynaa dhamaan dadwaynaha reer Somaliland, maamulka gobolka togdheer iyo maamulka magaalada Burco. Waxaanu maanta munaasabad u helnay in aanu idin ogaysiino in aanu idiin soo gudbinay lacag dhan US$25,100. Lacagtaas oo ah deeq uu ururka Somaliland Forum u soo ururiyay dhakhtarka Burco, kana soo ururiyay xubnaha Forumka iyo jaaliyadaha reer Somaliland iyo dadkaloo badan oo Somali iyo Ajnebi ba leh. Dadkaas oo badankiisu deggan yihiin waddamada UK, Canada, US, Kuwait, Finland iyo Australia.
US$20,000 oo lacagtan ka mida waxaanu ku soo hagaajinay shirkadda Dahabshiil (Dubai, UAE), waxaana ka masuul ah saddexdan wakiil oo noo jooga Abu Dhabi - UAE;
(1) Ibrahim Aw-Yusuf - Dhuunjoog
(2) Sulleiman Maxamed Adam,
(3)- Abdikarim X Abdillahi - Gam-Gam
Wakiiladanu waxay lacagta ku soo iibinayaan laba mashiin oo kuwa laydhka dhaliya ah oo loogu talagalay dhakhtarka Burco. Mashiinadanu waa kuwii ay soo dalbadeen maamulka magaalada Burco iyo Dhakhtarkuba oo ay hore noogu soo sheegeen noocyadoodo iyo awoodooda. Wakiiladu waxay ku tala jiraan in mashiinadu ay gaadhaan dhakhtarka Burco muddo bil guddaheeda ah.
Lacagta inta ka hadhay oo dhan $5100.00, waxa soo qaadaya Yussuf Sultan Ali iyo Jamac Barre (oo mashruuca hormood ka ahaa, isla markaana Forumka wakiil ka ah) oo ku soo beegan Somaliland bisha July ee soo socota horaanteeda. Waxay lacagtaa kaga soo iibinayaan magaalada Abu Dhabi - UAE alaabooyin kale oo ka mida waxyaabihii ay soo dalbadeen maamulka dhakhtarka iyo magaalada Burco.
Forum-ku wuxuu mashruucan bilaabay 1998kii, ka dib markii uuna soo gaadhay qaylo-dhaankii xubin ka mid ah Forum-ka oo ka soo noqday socdaal uu ku tegay Burco, soona arkay foolxumada iyo dayaca ka muuqday cusbitaalka. Nasiib wanaag maanta dadweynaha reer Burco waxay dib u dhisteen dhakhtarka intiisii badnayd, jaaliyado kale oo reer Somaliland ahna waxtar bay ka geysteen dhismihii hore ee dhakhtarka Burco. Anaguna maanta ayaanu ula soconaa waxtarkii aanu u soo ururinay dhakhtarka.
Waxaanu mahad naq aan halkan lagu soo koobi karin u diraynaa beelaha reer Somaliland iyo dhamaan dadka ugu deeqay lacagtan dhakhtarka. Dadkaas oo tiradoodu aad u fara badan tahay, oo aanaan magacyadooda halkan ku soo koobi karin. Waxa mahad gaara naga mudan Shirkada Dahabshiil oo lacagta noogu xawishay khidmad la’aan, jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool Toronto (Canada), Washington,DC, Hartford, Atlanta, San Jose (USA), London, Liverpool (UK), Helsinki (Finland), Melbourne (Australia), Kuwait City (Kuwait) iyo xubnaha Somaliland Forum.
Illaah baa mahad leh.
Somaliland Forum