Mawqifka Ururka Somaliland ee Arrimaha Siyaasadda

Ref.SF/EC-046-2001

Bismillahi Rahmaani Rahiim

Ku: Dawaladda dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland
     Golayaasha Jamhuriyadda Somaliland
     Axsaabta Cusub ee Somaliland
     Dadweynaha Somaliland

Ka: Ururka Somaliland Forum
  
Summad iyo Taariikh: SF/HA-046-2001           July 20, 2001
  
  
Ujeedo: Mawqifka Ururka Somaliland  ee Arrimaha Siyaasadda
  
  
Bishii Shanaad 31 Keeda 2001,  dadka reer-Somaliland waxay aqlibiyad ka
badan 97% ku ansixiyeen distoor ay ku dhaqmi doonaan oo noqon doona
salka madaxbannaanida iyo ka talinta aayaha dalka. Waana Ilaahay
mahaddii in arrintaasi u qabsoontay si saxiib iyo nacaba u muujisey
mowqifka dadka reer-Somaliland taagan yihiin oo aan mar dambe muran ku
jiri doonin.
  
  Maantana waxaynu u gudubney marxalad cusub oo aynu hore ugu
marinayno waddankeenna gaar ahaan dhinaca horumarka siyaasadda guddaha;
taasoo ah inaynu isu diyaarino doorashooyin wadankeenna ka dhici doona
sannadka soo socda, oo haddii Eebbe idmo noqon doona kuwo dhaxalgal ah
oo wadankeenna raad-qaaday talaabada u sii kobcisa; innoona horseeda
dhaqan cusub oo Dimuqraadi ah oo aynu ku xulano dhammaan maamulkeenna,
mid magaalo, degmo, gobol, iyo mid heer qaranaba. Hase yeeshee, talaabo
kastoo la qaadaaba nolosha waxay leedahay dhibaatooyin ka iman kara
haddii aan si foojignaani ku jirto looga taxadirin, loona abla-ablayn.
Run ahaantii, wey fududahay in la helo dadka reer-Somaliland oo wada
jir meel uga soo wada jeesta marka qaddiyadu taagan tahay jiritaanka
Somaliland; weyse dhici kartaa in aanay isku wada afgaran maamul
hoosaadka wadanka iyo habka doorashada soo socotaa u dhici doonto.
Taasina waxay siin kartaa fursad dadka dhan ka ah jiritaanka Somaliland
ee u heegan kala tuurka iyo kala dhanbalida ummadda Somaliland.
Isla markaa, socdaalkan cusub ee siyaasadeed ee reer-Somaliland ku talo
jiraan wuxuu kaloo keeni karaa inay kiciso xamaasad bulshada dhexdeeda
ah oo gaadhi karta heer kulul. Markaa, annagoo xurmaynayna Distoorka
wadanka u yaala, danaha shacabka reer-Somaliland iyo maamulka wadanka
ka dhisan intaba, haddaanu nahay Ururka Somaliland Forum waxaanu ku
baaqaynaa qoddobadan soo socda oo isugu jira cadayn mawqif iyo
talooyinba:

1)    Ururka Somaliland Forum wuxuu ku baaqayaa in aanaan kala
      xigsan doonin ama kala raaci doonin ururada ama
      shakhsiyaadka ku loolamaya doorashada soo socota. Ururku
      ma caleema saari doono cidna, umana fidin doono caawimo,
      ha ahaato mid dhaqaale ama mid maskaxeed, cid allaale
      ciddii ku hawlan tartan kursiyeed. Haddana ma jirto cid
      aanu raacnay, ama saaxada siyaasadda Somaliland naga
      meteshaa, ama magacayaga sheegan kartaa oo hawl
      siyaasadeed u adeegsan kartaa.

2)    Laakiin, Ururka Somaliland Forum wuxuu isku hawli doonaa
   ilaalinta distoorka u dhigan Somaliland, gaar ahaan qoddobada
   khuseeya doorashada innagu soo fool leh. Ururkani wuxuu had iyo
   jeer xil dheeraada iska saaraa danaha dalka iyo dadka, waxaanu
   si gaara hadda xil isaga saarayaa ilaalinta iyo dhawrida
   shuruucda dalka u taal. Sidaa daraadeed, Ururkani marna kama
   waaban doono inuu tilmaamo oo u farta ku fiiqo ciddii ku tacadida
   distuurka dalka u yaal. Waxaanaanu u soo bandhigi doona
   dadweynaha Somaliland cidii ku xadgudubta xeerarka wadanka u
   yaal, haday tahay koox, urur siyaasiya, ama ashkhaas gaaraba.

3)    Islamarkaana, Ururka Somaliland Forum wuxuu isku hawli doonaa
      wacyi gelinta ummadda Somaliland, isagoo adeegsanaya warbaahinta
      dalka gudihiisa. Tusaale, wuxuu ururkani soo bandhigi doonaa
      maqaalo taxana ah oo sharxi doona distuurka Somaliland, gaar
      ahaan qoddobada waafaqsan doorashooyinka iyo weliba kuwa
      sifaynaya xuquuqda shakhsiyeed(Citizenship rights) ee muwaaddinka
      Somaliland leeyahay iyo waajibka saaran(responsibilities) intaba.
      Si taa loogu sii gogol xaadhana, maadama xawligii siyaasadda
      dalku ku socotey durbaba aad u kordhay, Somaliland Forum wuxuu
      soo jeedinayaa qormadan:
  
   Ururka Somaliland Forum wuxuu talo ahaan u soo jeedinayaa
   qoddobadan soo socda:
  
   . In maamulka dalka iyo dadweynaha reer-Somaliland labaduba ay sii
   xoojiyaan ilaalinta nabadgelyada iyo weliba qaboojinta xiisadaha ka
   abuurmi kara doorashooyinka innagu soo fool leh. Sidaad wada
   ogtihiina, nabada wadanka maanta taallaa waxay ku timi si adag,
   waana sadka ugu weyn ee Somaliland maanta haysato. Horumarka aynu
   gaadhneyna nabada ayaa u sal ah. Markaa, waxaa hubaal ah in
   jiritaanka Somaliland ku xidhan yahay nabadda wadanka ka jirta.
   Sidaa daraadeed, waxaanu iddinku adkaynaynaa in mar walba wax kasta
   laga hormariyo ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida waddanka.
  
   . Waxaanu sidoo kale talo ku soo jedinaynaa in si deddeg ah la
   sameeyo guddi dhexdhexaad ah, oo ka kooban aqoonyahano khibrad
   u leh distuurka wadanka oo ka kala socda gobolada wadanka oo
   dhan. Guddidani, haddii la sameeyo loona dhaariyo inay si hagar
   la’aan ah u fuliyaan arrimaha distuurka la xidhiidha ee
   doorashooyinka ku wejahan, waxay si dhexdhexaadnimo ku jirto u
   kala saari karaan wixii is khilaaf ah ee ku saabsan loolanka
   doorashada. Taase macnaheedu maaaha in guddidani bedesho
   maxkamadda sare ee dalka oo isla markaana ah, maxkamada
   distuurka(the constitutional court of the country). Balse,
   waxay  guddidan shaqadeedu noqonaysaa mid dhiiri gelisa koboca
   iyo koritaanka arrimaha axsaabta iyo doorashooyinka ee waafaqsan
   dimuqraadiyadda. Waxay sidoo kale noqonaysaa guddi dhinacyada
   loolanka siyaasadda kuwa jira oo dhami u arki karaan dhexdhexaad,
   kalsoonidoodana kasban karta.

   . Waxaanu kaloo soo jeedinaynaa in maamulka waddanka, haya’daha
   madaxa_banaan iyo warbaahintuba aad isugu taxolujiyo wacyi gelinta
   dadweynaha Somaliland si loogu diyaariyo ka qayb qaadashada
   doorashada soo socota. Dimuqraadiyadi waxay si quman u kici kartaa,
   haddii shacabku si wanaagsan uga haqab la’ yahay habka doorashada,
   masuuliyadda iyaga saaran iyo waxay ka filan karaan maamulka
   waddanka. Haddii si hufan loo diyaariyo dadweynaha waxay taasi
   suuro gelinaysaa in dhammaan dadku ku qanco natiijada doorashada.
   Xilkaasi waa mid aad u weyn wuxuuna u yaalaa maamulka waddanka.

   Ugu dambeyn, waxaanu Ilaahay ka  baryeynaa innuu innagu guuleeyo
   wejigan cusub ee halganka ah ee aynu galay, taasoo ah ka midho
   dhalinta dimuqraadiyadda dhabta ah ee distoorku aasaaska u yahay;
   uuna noqdo mid hore innoo sii mariya, ee aanu noqon mid wax u
   dhima jiritaanka dalka, amaba dib u dhac kale innoo keena.
  
  
   Wa Salaamu Alaykum.
  



Home
  • About
  • Bylaws
  • Contact
  •    ^top