Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Ibraahim Cigaal
Og: Guddida Dhex-Dhexaadinta
Ka: Ururka Somaliland Forum
Tariikh: August 28, 2001 Sumad: SF/EC6-2001
Ujeedo: Warqad Furan oo Ladqabo iyo Turxaan bixin Ah(Part I)
Mudane Madaxweyne, waxaa aad iyo aad wax looga tiraanyooda ah foolxumada dhawaan ka dhacday caasimaddii dalka. Dadka siyaasadda indha-indheeyaana qaarkood waxay durbaba saadaalinayaan in Somaliland dib u noqotay dhawr sannadood marka laga eego xaga kobcinta dimuqraadiyadda, adkaynta nabadgelyada, tixgelinta aayaha dalka iyo dadka, isxurmaynta iyo wada shaqaynta dawladda iyo shacbigeeda.
Waxa tan keentayna, mudane madaxweyne, caad kaama saara oo waxaa u sababa loolanka siyaasadeed ee addiga iyo koox ka tirsan Salaadiinta Somaliland idin soo dhexgalay. Ma aha markii ugu horeysey ee herdan siyaasi dalka ka dhaco iyadoo damac siyaasaseed la isla jiidhayay danta ummadana aan hoos loo eegaynin. Hase yeeshe, tani way ka adagtahay kuwii horee dhici jirey, waayo distuurkii dalka iyo dhaqankii ummadda ee kaabayeyba maanta dabkaa saarteen. Sida addiga iyo dawladaadu arrinta u maarayseena waa si khaldan oo sharcigana ka baxsan. Khilaaf kastoo siyaasadeed oo soo dhexgala dawladdaada iyo xubno ka tirsan dadweynaha Somaliland-na ma haboonayn, meel ka dhacna way ahayd, sharcigana ma waafaqsanayn in dadka lagu qab-qabto ra’yigooda ama shir ay yeesheen. Sidoo kale, may haboonayn soo qabasho aan maxkamad ka soo bixin oo laysku xidh-xidhaa. Manay qumanayn inaad safaaxadda isu adeegsataan, oo iska dacaadayeysaan, taasoo xaaladuun sii murginaysey. Xaaladii oo murugtayna waxay durbaba inna geyeysiisey in sumcadda dalka, taada madaxweynanimo iyo toodo dhaqanba sii xumaato, dantii dadkuna halkaa ku lunto. Sidaa daraadeed, hadaanu nahay ururka Somaliland Forum, waxaanu madaxweynow kaaga martinahay in labadiina dhinacba maqashaan ergada dhex-dhexaadinta ee markii horena ladqabada wadey, haddana turxaan bixinta wada ah oo aad arrintimaha aad isku haysaan nabadgelyo iyo is afgarasho ku soo dabaashaan. Waxaanu gaar ahaan kaa codsanaynaa, annagoo codkayaga ku biirinayna inta badan ee sama taliska ah ee ladqabada iyo turxaan bixinta ka shaqaynaya, inaad Salaadiintan si caafimaad qabta u wada hadashaan oo is af garad gaadhaan; qofkii dambi galayna maxkamaduhu ku soo cadeeyaan.
Taasaa distuurku ogolyahay–inaan muwaadinka xoriyaddiisa laga qaadin iyadoon maxkamadi denbi ku soo oogin; taasaa sumacadeenii dal ahaan iyo dad ahaanba wax innooga hambaynaysa; taasaa wanaagu ku jiraa; taasaana waxtar u leh aayaha dalkeena hooyo.
Annagoo u aragna in masaladda dawladdaada iyo Salaadiintu isku hayaan tahay loolan siyaasaddeed iyo awood xukun(power struggle), ayaa waxaanu ka xunahay inaa labadiina dhinacba jebiseen distuurkii dadka reer-Somaliland 97% HAA ugu codeeyeen, iyadoo weli khadkii qalinkii shacbigu ku ansixiyeen sii qoyan yahay.
Dhinaca dawladdaadu waxay ka talaabsatay sifaha ama dariiqada dawlad distuuri ahi u marto wax xidhida. Tusaale, iyadoon xaalad xukun deg-dega ah dalka lagu soo rogin(state of emergency) dadka oo layska qabqabtaa waa arrin qawaaniinta dalka u taal ama distuurku qorayo weydaarsan, waxayna dhirbaaxo wejiga ah ku tahay xuquuqda muwaadinku ku leeyahay sharciga.
Mudane madaxweyne, waxaan markale caad kaa saarayn in distuurkeenu qorayo 16 qodon(16 Articles) oo aan waxkale ka hadlayn xuquuqda muwaadinka maahaane– Eeg qodobadda 21-36 ee dastuurka. Markaa qodobadan u ogalaanaya muwaadinku innuu shiri karo, wada hadli karo, fekerkiisa shakhsiga xor u yahay, wax mucaaradi karo, dawladda dhaliili karo, iwm., isagoon sharciga dalka jebineyn, ma buugaagtaynu ku qurxisanayney oo kaliya, hadaanay maantoo kale macno samaynayn? Markaa, tani waa distuur jebin, haddii koox shiraysay shir iyo ra’yi is weydaarsi lagu qabqabto.
Somaliland maanta waxay isku dayday inaynu distuur samaysano dhibtii hore innoo soo gaadhayna kaga bogsano, mustaqbal wacana innoo horseeda. Haddiise maamulku aanu xuquuqda distuuriga ah dhawrin, waxa khasaare noqonaya dadaalka iyo hawsha faraha badnayn ee loo soo galay iyo horumarkaynu gaadhnay sannadahii ugu dambeeyay ee taariikhda dalkan. In badan oo xiligan ka mida addiga ayaa madaxweynaha dalka ahaa oo magaca horumarka nadangelyada laga gaadhay iska leh ama uu kuu soo hoyanayaa. Horumarkaasoo sumcad wanaagsan dunida inooga soo hooyey, keenayna in la innagu tilmaamo wadanka Afrika ugu nabada badan. Haddaba si horumarka, nabada iyo distuurkaba loo ilaaliyo waxannu soo jeedinaynaa labadan qodob ee talo bixinta ah:
1. Innaa wada hadal labadiina dhinacba gashaan ay ergadu goob-joog ka tahay oo wixii idin dhex-yaala si nabadgelyo ah ku dhammaysaan; maadaama hadda xadhigii laga sii daayey, xayiraadii laga qaaday .
2. Inaa si daacada uga wada hadashaan sababaha khilaafka keenay oo ay ka mid yihiin astaamaha ay doorashooyinka soo socdaa yeelanayaan, samaynta axsaabta siyaasadeed ee dalka, iyo waxyaabaha kale ee shacbigu guud ahaan dawladda ka tabanayo.
Waxaanu rajaynaynaa in arrinta dhakhso loo xalilo, oo aynu werwerkeeda iyo xanuunkeedaba ka bogsano. Waxaanu iyana canaan iyo talooyinba u soo jeedinaynaa kooxda Salaadiinta JSL ka tirsan ee aad is qabateen. Waxay warqadaasi wehelisaa tan, waana qaybtii labaad ee ladqabo raadinta iyo turxaan bixinta arrinta.
Nabad Waarta,
Ururka Somaliland Forum.