Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Ku: Salaadiinta JSL ee Khilaafku soo Dhexgalay Dawladda
Og: Guddida Dhex-Dhexaadinta
Ka: Ururka Somaliland Forum
Tariikh: August 28, 2001 Sumad: SF/EC7-2001
Ujeedo: Warqad Furan oo Ladqabo iyo Turxaan Bixina(Part II)
Mudanayaal, tan iyo intii aad shirka Burco ku qabateen bishii ina dhaaftay badhtamaheedii, xaaladii dalku sideedii may ahayn, degenaanshihii iyo kobacii sumcada dalkuna way luntay. Waxaa maanta aynu ku dhawnahay in layna gala masiir dhigo Soomaalida kale ee u maara weydey siyaasadooda guddaha.
Sidaa daradeed, waxaa ogaataan in masuuliyad dheraadihi marwalba idinka saarantahay dalkan nabadgelyadiisa iyo deganaanshahiisa, maadaama aad madax-dhaqankii dadka tihiin.
In xurgud siyaasadeed oo dawladda dalka ka jirta idin dhextalaa jirto waa cadahay. In arrintii ay meel xun gaadhay oo xadhig, xiyaraad, iyo dhiig daataba gaadhayna waa cadahay. Hase yeeshee, dadka ururkan Somaliland ku bahoobey waxay marti idiinka yihiin inaad nabad gelyada dalka iyo danta guud wax walba ka hor marisaan. Si taasi u suurta gashana inaa yeeshaan dhawrkan arrimood ee soo socda:
* Inaa maqashaan, marwalbana u dhego nuglaataan ergada dhex-dhexaadinta iyo turxaan saarka ku hawlan.
* Inaa ka tanaasushaan wixii kala fogaansho labada dhinaca keenaya, oo aa marwalba arrinta is af garansho wixii jira ku dhamaysaan.
* Inaanay arrintu hiirtaayo reebin, oo haddii xayiraadii laydinka qaaday aanay sii fidin, oo amniga dalka wax yeelin.
* In arrimaha siyaasadda ee aa tabanaysaan si habsami ah u sheegataan, markaa madaxwenaha iyo dawladdiisa is hordhiisataan.
* In haddii aad talada dalka ee distuuriga ah aad raabtaan in madax-dhaqanku meel ku yeesho, aa codsi rasmi aha oo arrintaa waafaqsan dhakhso ugu gudbisaan labada gole ee Baarlamanka si distuurka wax looga bedelo oo arrinta loo waafajiyo.
Intase taa la helayo, waxaa reeban inaad ku kacdaan arrimahan soo socda:
A. Inaad awood aan shacriga dawliga laydunku qoondayn oo layduunku xardhin sheegataan. Haddase waxaad ogaataan inaad sharcigii jebiseen, awood aan distuurka dalku idiin qoondayna sheerateen. Tusaale, awoodaha dalka ee distuuriga oo ku soo ururta saddex waaxood (Three Branches of government), oo awooda madaxweynuhu ugu sarayso, waxaa qeexaya 69 qodob(69 Articles) oo distuurka ka mida–Eeg qodobada 37-106 ee distuurka. Intaa meel qudha kagama jirto awooda wax lagu xukumo(the power to Rule)ee madax dhaqanmeednumadu leeyihiin. Markaa, meel ka dhacbay ahayd, welina tahay inaad awood aan distuurku idiin qoondayn sheegataan, waana khalad aad distuurkii dadku 97% HAA ugu codeeyey ka gasheen.
B. Inaydaan dawladda dalka ka jirta ku fara-gelin dhaqan gelinta shuruucda wadanka ee distuurka ku soo aroora. Denbiga ugu weyn ee aad distuurka ka gasheenaa waa sheegashadaa aad awood dawladda iyo furuucdeeda ka saraysa sheegateen. Waana wacantahay inaad hadda ka noqoteen.
C. Inaad meesha ka saartaan in madaxweynaha iyo dawladda ku amartaan in xisbi ay wataan la baabi’iyo. Laakiin aad xaq u leedihiin inaad mid u dhigma oo taqad iyo taakulaynba ka haysta dadka tirada badan ee lix iyo toban-kiinu Odayaasha dhaqan u tihiin, ee goboladda dalkoo dhan ku nool, soo samaysaan, oo sidaa tartarka siyaasadda iyo loolanka axsaabta ku gashaan.
D. In aa dawladda iyo Baalamankaba ka wada hadashaan sidii axsaabtu u wada jaan qaadi laahaayeen, iyo habka doorashooyinka loo gelayo. In mugdigana laga saaro, si aan wareer dambe oo kanoo kale ahi u dhicin, sida loo dhaqan gelinayo axsaabta iyo in loo adkeeyo xeerka dhaqaya axsaabta, si doorasho waafaqsan qawaaniinta caalamka ee dimuqraadiyadda ku salaysani dalka uga dhacaan, oo u noqdaan kuwo xora oo cadliya(Free and Fair Elections). Taasna idinkoo muwaadiniin caadaya oo isu yimi ah baaba codsan kartaan, oo inaa manaasiibtiina madax-dhaqanka ah isticmaashaanba xitaa muhim maaha. Muwaadinkastoo qaan-gaadh ihi, oo ama aan waalayn ama aan xidhnayni, xaq buu u leeyahay innuu waxna dooran karo, lana dooran karo. Markaa, in arinta sidaa loo eego marwalba weeye, oo raadinta cadaaladeedu halkaa ka bilaabanto.
Mudanayaal, horaa loo yidhi geel duqbaa loo tumaa. Odayaal dhaqanbaa tihiin. Masuuliyadda kowaad ee oday madax-dhaqan saaranina waa nabadgelyada iyo xasiloonida oo la ilaaliyo, iyo dadkoo laysku wado oo laysu jiido. Shilkan meesha ka dhacay waanu u sheegnay in dawladdu qaboojiso, idinkana dhiniciina waxaanu idin faraynaa inaa sidaas oo kale yeeshaan.
Waxaanu idinka rajaynaynaa inaad khilaafka dawladda idin soo dhex galay wada hadal ku dhamaysataan, isna afgarataan. In lays hor fadhiisto oo turxaan bixin la sameeyo, oo xiisada la qaboojiyo.
Siyaasadda dadku waa isku qabtaa, laakiin khilaafkii siyaasaddeed ee aan wada hadal iyo is af garad ku dambayni dhibaato iyo foolxumuu dhalaa. Markaa, eraygayagu waxa weeyee, oo dhameeya khilaafka dhexdiina, oo wada hadla, oo is horfadhiista, oo qaboojiya dabkan aan dalka iyo dadka midna u baahnayn maanta, amaba itaal u hayn.
Nabad Waarta,
Ururka Somaliland Forum.