Beenta, Dhaarjiidhka Iyo Laba-wejiilayaasha Shirka Nayroobi
Published on September 1, 2004
SLF/SOM/0904
Waxa imika in ku siman laba sannadood magaalada Nayroobi ka soconayay shir lagu tilmaamay in xal loogu raadinayo dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya. Ururka Somaliland Forum wuxuu la jecelahay ummadda reer Soomaaliya ee walaalahood ah:-
in Eebbe(swt) ka saaro dhibaatada haysata,
in ay aayahooda iyagu ka tashadaan iyo
in ay iska ilaaliyaan tashuushadda ay wadaan dadka aan mabda …