Beenta, Dhaarjiidhka Iyo Laba-wejiilayaasha Shirka Nayroobi

 SLF/SOM/0904

Waxa imika in ku siman laba sannadood magaalada Nayroobi ka soconayay shir lagu tilmaamay in xal loogu raadinayo dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya. Ururka Somaliland Forum wuxuu la jecelahay ummadda reer Soomaaliya ee walaalahood ah:-

  • in Eebbe(swt) ka saaro dhibaatada haysata,
  • in ay aayahooda iyagu ka tashadaan iyo
  • in ay iska ilaaliyaan tashuushadda ay wadaan dadka aan mabda ay rumaysanyihiin jirin

Ururka Somaliland Forum maaha mid talo gaar ahaaneed ka bixiya waxyaabaha ka baxsan ujeeddooyinkiisa ee uu ka mid yahay shirka Nayroobi, haseyeeshee wuxuu ururku maanta jecelyahay inuu iftiimiyo dhawr qodob oo ka muuqda shirka iyo ka qaybgalayaashiisa.

Ururka Somaliland Forum wuxuu rumaysanyahay in beenta, dhaarjiidhnimada iyo daacad-xumadu yihiin waxyaabaha ummad u horseeda burburka iyo halaagga.

Waxa shirka magaalada Nayroobi uga socda kooxaha Soomaaliya ka dhexmuuqda dad ku dooda in ay metelaan shacbiga Somaliland. Dadkaasi maaha dad ka haysta kalsooni ummadda Somaliland ee ay sheeganayaan in ay ka soo jeedaan.

Waxa muddooyinkan dambe soo ifbaxaya in dadkaas oo ujeeddada ugu weyn ee ay meesha u tageen ahayd in ay kasbadaan wax afkooda ku dhaca ay maanta u tallaabeen tabo cusub.

Ururka Somaliland Forum wuxuu rumaysanyahay in markii dadkaasi ku guuldarraysteen ujeeddadoodii koobaad ay hadda u digarogteen in ay been aan sal iyo raadtoona lahayn abuuraan.

Beenaha ugu dambeeyay ee ay ku kordhiyeen kuwii hore waxa ka mid ah:-

  1. In ay xubno mudan ka yihiin ururkan Somaliland Forum
  2. In ay yihiin xubnihii ugu horreeyay ee ururka dhidibada u taagay; taas oo ah been cad oo aan waxba ka jirin
  3. In ay taageero joogto ah siiyaan dalkoodii hooyo

Ururka Somaliland Forum ujeeddadiisa ugu weyni waa difaaca qarannimada Somaliland, halista ugu ballaadhan ee maanta ku soo fool leh jiritaanka Somalilandna waxa ay ka soo socotaa mu’aammaradda lagu oddorosayo Nayroobi, sidaas aawadeed ururka iyo ciddii halis ku ah jiritaanka Somaliland maaha laba hal oo bog ku wada qormikara.

Qofka sheeganaya inuu u hoggaansanyahay mabaadiida lagu burburinayo jiritaanka Somaliland meel kama soo gelikaro ururka Somaliland Forum iyo himilooyinkiisa.

Ururka Somaliland Forum ma xukumo xorriyadda shakhsi ama koox ku doorankarto meesha ay tegayaan, haseyeeshee waxa muhiim ah in la is-xusuusiyo in dhaarjiidhka, beenawaaska iyo dhuuniqaatuhu ku fiicanyihiin ka maqnaanshaha bulshada daacadda ah, sidaas aawadeed waxa farxad u ah ururka in ruuxii laba-wejiile ahaa isagu bannaanka isu saaray iyada oo aan cidi wakhti iyo karti badan ku lumin.

Guul iyo Gobannimo Somaliland

Ururka Somaliland Forum

 



Home
  • About
  • Bylaws
  • Contact
  •    ^top