Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada Hala Hirgaliyo, Doorashadana Hala Qabto Xilliga Loo Cayimay
Ururka Somaliland Forum wuxu ku adkeynayaa Golaha Wakiilada iyo Guurtida in ay si deg-deg ah u dhameystiraan Xeerka Doorashada Gollaha Wakiilada si loo qabto doorashada xilliga loo qoondeeyay ee 29 Maars 2005. Waxa noo cad oo aan shaki ku jirin in aan la aqbali karin doorashada oo dib loo dhigo ama gollaha immika dhisan oo muddada xilka ay hayaan mar saddexaad waqtiga loo kordhiyo
Ururku waxa uu daraasad dheer ku sameeyey Mashruuca Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada waxaanu soo jeediyay aara’ iyo tallooyin ku saabsan Xeerka.
Ururku waxa uu aad uga xunyahay in aanay ilaa hadda suurto gal ahayn in la hirgeliyo tallaabooyin aad inooga caawin lahaa saami-qaybsiga kuraasida gollaha, sida diiwaan-gelin, tiro koob guud iyo kala-xadaynta soohdimaha degmooyinka cusub, sidaa awgeed waxa uu ururku taageersanyahay
1. In Degmooyinkii/gobolladii lixdankii saladhig looga dhigo doorashada.
2. In Kuraasida loo qaybiyo lixda gobol oo doorahsadana lagu qabto habka “proportional representation” ee ku dhisan
liistada 3da Xisbi.
3. In la dhamaystiro tiro koobka iyo diiwaangelinta dhowrka sanadood ee soo socda.
Dhinaca saami-qaybsiga, ururka uma cadda sababta keentay in sidaa kediska ah loo soo jeediyo khadka afaraad (option 4) ee hadda Xeerka ku qoran, laakin waxaanu ku adkeyneyna Golaha in arrintan deg deg loo dhameeyo, oo marka lagu daro saddexdii khad (option) ee hore uu Golhuhu afartan khad ku kala saro
fadhi ay saddex codbixinood oo isdaba jooga marba ay meesha kaga saraan khadka codka ugu yar hela ilaa mid ka soo hadhayo.
Guud ahaan, Xeerkan waanu raacsanahay, laakin, waxaanu Golaha ka codsnayana in ay aad uga fiirsadaana meelaha aanu talooyinka kasoo jeedinay, gaar ahaan:
1. Liistada ay Xisbiyadu u soo gudbinayaan komiishinka doorashadu waa in ay noqdaan qaar ay magacyadu ugu kala horeeyaan sida ay u kala helayaan kuraasta (sequential order). Sidoo kale waa in liistada xisbiga ee gobol kasta lagu daraa ugu yaraan 20% dheeraad ah (si loo hawlyareeyo buuxinta jagadii bannaanaata), taa awgeedna Deebaajiga laga qaadayo qofka murashaxa waa in hoos loo dhigaa.
2. Marka uu xisbigu liistda soo gudbinayo waa in uu ilaaliyaa sinaanta muwaadiniinta sida ku cad qodobka 8aad ee distoorka qaranka, fiiro gaar ahna siyaan muuqaalka dumarka iyo dadka laga badan yahay.
3. Waa in aan cidina isticmaalin adeegyadda dawladda, Kommishankuna baadhid ku sameeyaan wixii cabasho ah ee arrintan ku saabsan.
4. Waa in aan ololayn xisbi loo oggolaanin ciddii xil sare oo dawladeed haysa, marka laga bilaabo Wasiir ilaa Agaasime (A5), xubnaha ciidamada, booliska qaranka iyo grarsoorayaasha.
5. Waa in Xeerku si cad u qeexaa in Xisbiyada oo dhami u siman yihiin war-baahinta ay dawladdu leedahay iyo telefishanka.
6. Waa in la siiya Koomishanka awood ay ku sooo saaraan Habka Anshaxa Doorashooyinka (Electoral Code of Conduct), iyaga oo la tashanaya xisbyada qaranka.
7. Ma arkayno baahi loo qabo in 2 xubnood lagu kordhiyo xubnaha Komiishanka Doorashada ee hadda jooga.
8. Wanu soo dhaweynaynaa awoodaha cusub ee Kommishanka ee ku saabsan xisbiyada, wakiiladooda iyo murashixiinta, laakiin dadweynaha caadiga ah maxkamad ayuun baa talaabo ka qaadan karta.
9. Waxaanu soo jeedineyna in lagu daro Xeerka 14 denbi oo la xidhiidha doorashada oo Xeerka Ciqaabtu aanu si fiican u dhigeyn.
Dhamaystirka geediga aynu kaga guureyno hab-beeleedaka ee aynu ugu hayaamayno habka dimuqradigu waa mid aan maanta cidina joojin karayn. Dadweynaha Somaliland, ha noqdo mid guddaha ku sugan amma mid qurba-joog ah, iyo waliba ummadaha kale ee u dabdabacsan qadiyadda Somaliland waxay dhammaantood indhaha aad ugu hayaan sida ay arrintan Golayaashu iyo dawladu u maarreeyaan. Annaga oo aaminsan in golaha hadda fadhiya oo sanadkii 8aad u bilaabmayaa ay dhismaha qaranka door-weyn ka soo qaateen, maantana ay sharaf u noqon doonto inay inta yar ee Somaliland uga dhiman hawshan ay si xilkasnimo leh u dhammays tiri doonaan. Waxaannu Illaahay ka rajaynaynaa
inuu dhammaanteen inagu garab galo hawshan laxaadka leh.
Waxaanu halkan ku lifaaqnay taladayaddii oo tifatiran.
SOMALILAND FORUM
“Ururka Somaliland Forum waa urur madaxbannaan oo ay isku bahaysteen qurb-joog reer Somaliland ahi. Waxa uu ururkani aaminsanyahay qarannimada,horumarka iyo madaxbannaanida Somaliland waxanu iskaashi la sameeyaa jaalliyadaha Somaliland ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa horumarka Somaliland. Ururkani wuxu rumaysanyahay in dadka reer Somaliland ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan horumarinta dalkooda.”
Wixii faahfaahin dheeraada ee ku saabsan arrintan, kala soo xidhiidh Guddoomiyaha Gudida Distuurka iyo Xeerarka ee Ururka:
Ibrahim Xaashi Jaamac halkan: law@somalilandforum.com ama i.jama@btinternet.com; ama xubnaha Gudiga Dhexe ee Somaliland Forum:
Gudoomiye, Deeqa G Xidig, chair@somalilandforum.com
Guddoomiye-xigeenka, C/llaahi Cawed vice@somalilandforum.com Xoghayaha, Khadar Xasan Cali secretary@somalilandforum.com ,
Khasnajiga, Axmed Saleebaan treasurer@somalilandforum.com iyo
Xubin -Guud, Cumar Cabdi Nuux xubin@somalilandforum.com
LIFAAQ: Taariikh: 08/01/ 2005
KU: Shir-Gudoonka iyo Xubnaha Galaha Wakiilada JSL
Og: Gudiga Xeerka doorashada ee Gaolaha wakiilada
Shir Guddonka Golaha Guurtida
Xafiiska Madaxtooyada JSL
Warbaahinta Somaliland
Somaliland Forum : Talo-bixin ku aaddan Xeerka Doorashada Gollaha
Wakiillada.
Hordhac
1. Dhawaan ayuu ururka Somaliland Forum soo jeediyay tallo bixin ku
saabsanayd saami qaybsiga, haddaba immika oo ay na soo gaadheen qodobbadii kale ee xeerka doorashadu waxa aannu jecellnahay in aanu idiin soo gudbinno dareenka aannu ka qabno xeerka doorashada, kaasi oo aanu ku soo koobnay qodobbada hoos ku qoran. Waxa aannu ku rajo waynahay inay mudanayaasha gollaha wakiilladu tixgelin siin doonaan.
2. Ugu horrayn talooyinkii aanu soo jeedinnay 2001-kii xilligaa oo la diyaar garaynayay xeerkii doorashada dawladaha hoose iyo madaxweynaha, waxa aannu ku boorinnay in doorashadeennu ay noqotto mid ku dhissan xeerarka (heer) caalamiga ah. Mar kale ayaannu idiin soo jeedinaynaa inay doorashadeennu ahaato mid ku dhisan todobada mabda’a ee gundhigga u ah doorashooyinka xalaasha ah. Kuwaas oo kala ah gun-balaadhni, sinaansho, cadaalad, qarsoodi-cod, xornimo-cod, dahsoonaan-la’aan iyo xil-hanasho
* Gun-balaadhni waxa loo yaqaanaa in la helo diiwan-gelin ah ku
dhisan cadaalad aan takoor lahayn oo wax-ku-ool ah oo ay helaan
musharixiinta iyo dadweynuhu labaduba.
* Sinaanshuhu wuxu lama huraan ka dhigayaa in codka qof uu u dhigmo codka qof kale si loo gaadho talo loo siman yahay. Xeerka doorshada ee aqlibayaddu wuxuu ku salaysan yahay inaan qaybaha shacbiga wax dooranayaa aanay ku kala fogaan ugu dhowaansho 10% wax ka badan. Xeerka “Electroral representation”-ku wuxuu leeyahay waa is bedbedli kartaa tirada guud ee cod-bixiyaashu hase yeeshee saamigu uu helayo degmo/gobol waliba waxay ku xidhan tahay tirada cod-bixiyaasheeda. Cod-bixiyaashu waa inay helaan goobaha codbixinta oo loo si quman loogu siman yahay.
* Cadaaladdu waxa weeye in la hubiyo in la helo tartan si walba ay ugu wada siman yahay dadka ka qayb qaadanyaa doorashada. Ugu yaraan waa in la hubiyaa in cod-bixiyaashu ka war qabaan dhamaan dadka tartamaya, ogaadaanna halka ay ka taagan yihiin arrimaha waaweyn ee khuseeya.
* Qarsoodiga-codku waxa weeye in la hubiyo in qofka muwaadinka ahi codkiisa dhiiban karo isga oo keligii ah, isagoo ku jira qol-cod-bixineed (voting booth) oo aanay suurto-gal ahayn in la eego codkiisa intaanu ku dhicin sanduuqa cod-bixinta.
* Xornimada-codku waxa weeye in la hubiyo in qof kasta oo waddani ahi uu codkiisa dhiiban karo isagoo aan ka baqayn cidna, kana warqaba xuquuqdiisa ah inuu xor u yahay inuu maskaxdiisa cabirto, cidduu rabo uu la hal-maalo, cidduu rabana uu wax la wadaago inta doorashadu socoto bilow ilaa
dhammaad.
* Dahsoonaan-la’aantu waxa weeyein la hubiyo in doorashadu u dhacdo si waafaqsan sharciga, iyo xeeraraka gundhiga ah ee la isku raacay iyadoo loo wada dhan yahay oo aan dahsooni jirin. Dahsoonaan-la’aantu waxay xakamaynaysaa in uu dhaco musuqmaasug doorasho. Sidaa awgeed, tirinta codku waa inay noqotaa mid muuqata oo la hubin karo, laga bilaabo goobta cod-bixinta , ilaa meelaha dhexe codku marayo iyo ilaa gudiyada doorashada ee ah heer qaran.
* Xill-hanasho waxa weeye in dadka doorashada ku guulaystaa si
dhakhso loogu dhiibo xilkoodi iyaguna ay ogaadaan in ay xil u hayaan
shacbigii soo doortay.
( eeg,
http:// www.somalilandforum.com/ slf/press_release/ open_letter_1001.htm)
3. Waxyaabaha wax weyn u dhimi kara doorashadeenna waxa ka mid ah,
tiro-koob la’anta iyo dadkeenna oo aan diiwaan gashanayn, kuwaas oo haddii la heli lahaa si weyn inooga caawin lahayn saami qaybsiga iyo habsami u socodka doorashada labadaba. Marka laga reebo labadaa arrimood oo aan immika suurto gal u muuqan, waxa aannu rumaysannahay in xeerkani uu meelo badan ka waafaqsanyahay xeerarka adduunka lagaga dhaqmo. Waxa aannu tallo ka soo jeedinaynaa qodobbada xeerka qaar ka mid ah.
4. Hore ayaannu u caddaynay sida aannu uga xunnahay dib u dhaca weyn ee sababay in dhammaystirka xeerkani qaato muddo ka badan saddex sannadood iyo waliba maanta oo ay in ka yar 3 bilood inaga xigto xilligii loo qoondeeyay doorashada uu wali gollaha wakiilladu xeerkan ka doodayo. Aad ayaanu u soo dhaweynaynaa hordhaca xeerkan ee ku talinaya inaan la oggolaan doonin dib u dhac dambe oo lagu sameeyo doorashada, waxa annu ognahay inaan distoorka qaranka meel loogu hayn daalaa dhaca iyo jiitanka ay arrinta doorashadu ku sugantahay. Waxa annu hore u sheegnay inaanay jirin wax weyn oo lagu sababeyn karo dibu dhicii labada jeer lagu sameeyay doorashadan, sidoo kale waxaa run ah in muddo kordhinihii hore ay ahaayeen qaar aan distoorka
waafaqsanayn.
5. Waxa aanu si weyn u rumaysannahay in doorashada gollaha wakiilladu ay qabsoomi karto xilliga loo qoondeeyay ee 29 March 2005, mana jeclin in aanu aragno dib u dhac kale oo lagu sameeyay doorashadan amma ansixinta xeerkan oo loo adeegsado dib u dhac dambe oo ku yimaadda xilliga doorashada.
Hannaanka doorashada
6. Waxa aad noo cajabiyay warbixintii ay xeerkan ka soo saareen
guddidii uu aqalk wakiilladu u saaray si ay u soo darsaan ee ay ku
caddeeyeen sababta hannaankan loo doorbiday. Warbixinta ay soo saareen
guddidani waxa ay ahayd mid tusaale u noqonaysa sababta loo doortay
nidaamkan. Waxa aannu kula tallinaynaa gollaha wakiilladu inuu sidan oo kale u maareeyo wixii sharci-samayn ah ee xilliyada dambe soo mara. Waxa aanu jeclayn in warbixinta caynkan ahi ay soo baxdo xilli hore si aad looga dodo hannaanka doorashada ee la qaadanayo, saam-qaybsiga iwm.
7. Waxa aannu taageersannahay soo jeedinta ah in la qaato hanaanka ku salaysan ” Proportional representation (Qodoboda 11 & 15 ). Kol hadduu distoorka dalkeennu ku xaddidayo axsaabta qaranka 3 xisbi oo keliya, hanaankani waa ka keliya ee horseedaya in axsaabta oo dhammi ay hesho kuraas u dhiganta dadka u codeeyay. Hannaankani waa kii aynu ku qaadannay labadii doorasho ee hore tii dawladaha hoose 2002 iyo tii madaxweynaha 2003 iyo waliba doorashooyinkii guud ee 1964 iyo 1969. Dad badan ayaan wali saani u fahmin hannaankan, sidaa darteed waxannu ku talinaynaa in Article 15 (3) ee xeerkan lagu daro qodob kale oo faraya guddida doorashadu inay daabacdo, isla markaana faafiso shax tilmaamaysa habka loogu guulaysanayo kuraasta marka la isticmaalo hannaankan.
8. Sidoo kale waanu taageersannahay in hannaanka ” Proportional
representation”-ku uu si wanaagsan uga shaqeeyo marka ay degmooyinka
doorashadu ballaadhanyihiin. Waxaanu idinku raacsannahay in doorashadu ku salaysnaato 6-da gobol ee dalku kooban yahay oo ah 6dii gobol-degmo ee uu dalku lahaa 1960-gii. Tani waxa ay inaga caawinaysaa inaan xilligan loo baahan kala xadaynta degmooyinka. Talo caynkan oo kale ah ayaannu soo jeeedinnay 2001-kii. Waxana fiican in marka ay arrintu taagan tahay xuduudaha degmooyinka lagu shaqeeya uun wixii caddaan ah ee aan muran ka taagnayn. Waa nasiib darro inaynu goor walba tiigsanno wixii jiray 1960, laakiin waxa muuqda inay tahay ta kali ah ee immika lagu hawlgali karo.
Tiro-koobka iyo diiwaan gelinta
9. Waxa annu soo dhaweynaynaa sida cad ee xeerkan qodobkiisa 14aad (2) iyo qodobka 68aad loogu qeexay in doorashada danbe lagu salayn doono gobol walba tirada ka codbixisa iyo kala xadayn cad oo loo sameeyo degmooyinka iyo gobollada. Waxa aannu xoog ugu tallinaynaa in arrintan mudnaan weyn la siiyo si buuxdana loo hirgeliyo inta ka horraysa doorashooyinka guud ee dawladaha hoose ee soo socda, taas oo waaya arag u noqon doonta doorashad madaxweynaha iyo ta baarlamaanka ee ku daba jira. Sidoo kale waxa aannu ku tallinaynaa in qodobka article 68 lagu daro qodob kale oo xaddidaya codbixiyayaasha. Waxa jirta in la isku khaldi karo diiwaangelinta muwaadiniinta iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha ( wixii ka weyn 16 sano jir ).
Saami-qaybsiga kuraasta
10. Hore ayaanu ra’yigayaga uga dhiibannay qodobkan muranka badan
dhaliyay iyada oo aanu doorbidnay in la qaato option 1 ( habkii 1960) iyo option 3 ( gobol walba inta ka codaysa), kuwaas oo noogu muuqday waxa keliya ee laga qaadan karo tallooyinkii ay soo jeediyeen guddidii aqalka wakiilladu
u saaray arrintani. Waxannu noo muuqata in Article 14 ee xeerkani uu ku si aan dhammays tirnayn ugu salaysan yahay habkii 1960, laakiin guddidu waxa ay go’aansatay habka 4aad (option 4) oo gabigiisu cusayb ah, kaas oo isku-dhafaya habka 1aad (option 1, habkii 1960 ) iyo habka 2aad (option 2, sida hadda kuraasta loo kala fadhiyo). Si buuxda raalli ugama nihin in sidaa degdegga ah loo soo saaro hab (new option) cusub oo kuraasta lagu qaybasado, laakiin waxa annu ahamiyadda koowaad siinaynaa muwaafaqo buuxda oo laga gaadho arrinta, sidaa darteed haddii golaha wakiilladu isku raacaan arrintan, waxa hubaal ah inannu si buuxda u taageeri doonno. Si aan isjiidjiidasho danba uga dhicin arrintan waxa aannu soo jeedinaynaa in loo kala codeeyo 3da hab (all three options) oo kii inta badni u codeyso la raaco.
Musharixiinta
11. Dastuurka (qodobka 41) ayaa hore u caddeeyey sifooyinka qoka isu taagi kara doorashada guriga wakiilada, mana raacsanin in intaa lagu daro shuruudo kale oo aan loo baahnayn. Waa lama huraan in musharaxu fuliyo shuruudaha qodobkaa distooriga ah hase yeeshee looma baahna qodobkan cusub
(16) ee odhanaya waa in qof bixiyey wixii cashuuro ah oo dhan. Waxaanu kaloo talo ahaan ku soo jeedinaynaa in qodobkani caddeeyo in saddexda xisbi ee qaran ay iyagu soo magacaabayaan musharixiinta. Qodobkani lama mid ah arrinta uu ka hadlayo qodobka 6(1) ee sharcigan.
Liistada Xisbiyadda
12. Guud ahaan waxannu raacsannahay inaanu xeerkani noqon mid xadgudub ku samaynaya xaqa ay axsaabta qaranku u leeyihini go’aan qaadashadooda iyaga oo raacaya distoorkooda. Laakiin kol haddii aynu qaadannay nidaamka axsaabta xaddidaya oo aanay suurto gal ahayn in qof aan xisbi soo magacaabini uu isu soo sharraxo gollaha wakiillada, waxa muhim ah in xulidda ay axsaabto soo xulayaan murashaxiintoodu uu noqdo mid ku dhisan hab dimuqradi ah, kana duulaya distoorka uu xisbigu leeyahay. Waxanu jecellahay in qodob arrintaa ka hadlaya lagu kordhiyo Article 7 (2) iyo Article 18 (1).
13. Arrinta khusays waajibaadka axsaabta ee soo xulidda murashaxiintooda ee ku qeexan Article 18 (3), waxa annu soo jeedinaynaa in lagu kordhiyo qodob ku khasbaya in xubnaha ay soo xulayaan ay noqdaan qaar ay ka dhexmuuqdaan dhammaan bulshada reer Somaliland, gaar ahaa haweenka iyo dadka laga tirada badanyahay iyo inay axsaabtu ilaaliyaan sinaanta muwaadiniinta
sida ku cad qodobka 8aad ee distoorka qaranka.
14. Waanu ka soo horjeednaa faqradda cusub ee article 12 (2) ee u
oggolaanaysa inay axsaabtu u soo gudbiso liistada guddida doorashada,
taxanaanta magacyada ku qoran liistada ma aha tu muujinayas fursadda uu
murashaxu leeyahay inu kursi ku guulaysto. Sidoo kale, waanu ka soo
horjeednaa soo jeedinta ku qoran Article 12 (4) ee ah in doorashada ka dib xisbi walba la siin doono 3 casho si uu u soo gudbiyo liiska xubnaha u gali doona baarlamaanka. Arrintani waa mid khilaaf weyn dhalin karta.
15. Sidaa daraadeed waxa annu soo jeedinaynaa in xisbigu uu u soo
gudbiyo liisto daboolan oo ay ku taxanyihiin liiska murashaxiintiisu, kaas oo ay ku caddahay sida loogu kala guulaysan doono kuraasta uu helo xisbigu taasoo suurto gelin doonta in si toos ah loo qaybiyo kuraasta. Ma arkayno sabab kallifaysa inaanu xisbigu soo saari karin liis taxan oo kala caddaynaya sida loogu kala horreeyo liistada murashaxiintooda inta aanay u gudbin Guddida Doorashada. Liiska caynkaa ah Guddida Doorashada ayaa u qaybin doonta dalka oo dhan (sida ku cad Qodobka 21) , dadweynaha faa’iido weyn ayay u noqon doontaa oo waxay ogaan doontaan murashaxiintooda.
16. Si looga digtoonaado dhibaato keeni karta jagooyin ka bannaanaan kara muddada shanta sanno ah ee gollaha la dooranayo, waxannu soo jeedinayna in gobol waliba ugu yaraan 20% dheeraad ah uu ku daro liistadiisa. Qodobka 13 (2) ee xeerkani waxa uu sheegayaa in Guddida Doorashadu adeegsan doono taxnaanta liistada xisbigu soo gudbiyay si loo ogaado cidda buuxinaysa jagadii bannaanaata xisbiguna aanu talo ku lahayn habka loo buuxinayo
jagadaa. Waanu taageersannahay Qodobka 13, laakiin waxa aanaan fahmin waxa sidan oo kale loogu qeexi waayay Qodobka 12 ee ku sahabsan sida loogu kala guulaysanayo kuraasta.
17. Qodobka 17 (2) ee ku sahabsan in murashax waliba u soo gudbiyo
Guddida Doorashada waaya aragnimadiisa , waxa annu si weyn ugu talinaynaa in lagu daro sawir cusub oo caddayn wata lagu daro document ka laga reebayo murashaxa. Sidoo kale waxannu soo jeedinaynaa in xisbi waliba raaciyo caddayn ah inu murashaxu buuxiyay shuruudaha ku cad Qoodbka 16.
18. Kol haddii xisbi walba laga dalbanayo inu soo gudbiyo 20% murashax oo dheeraad ah, waxannu ku talinaynaa in lacagta deebaajiga ah ee ku xusan Article 22 hoos loo dhigo oo laga dhigo 750,000 SLSh.
Ololaha Doorashada
19. Waanu soo dhaweynaynaa Article 24, ee aan dalbanayn in axsaabtu qoraallada ololahooda soo mariyaan duqa magaalada, sidii uu xaalku ahaa xeerkii hore ee 2001 (Qodobka 30). Faafreebka caynkaa ahi waa mid aan meel ku lahayn dimuqradiyadda.
20. Qodobka 24 waxa ku wanaagsan inu hay’adaha dawladda (sida Duqa
Magaalada, poliis-ka etc)waajib kaga dhigo inay si dhexdhexaadnimo ah uga caawiyaan axsaabta shaqada ololaha, sida ku xusan distoorka iyo xeerarka.
21. Waa in lagu caddeeyaa Article 24 in wargelinta banaanbaxyada iyo shirarka ee la wargelinayo mayor-ka iyo police-ku ay tahay uun wax formality la ogaysiinayo in la qabanayo shir amma bannaanbax. Sidoo kale waa in lagu caddeeyaa in haddii aanu xisbigu raalli ka ahayn amar ka soo baxay mayor-ka oo uu ku beddelo waqtiga amma meesha lagu qabanayo shirka ama bannaanbaxa, waa in xisbigu xaq u yeeshaa inuu kiis racfaan uga qaadan karo maxkamadda distoorka, taasoo ay ku dhagaysan doonto dacwaddiisa muddo 24 saac ah.
22. Annagoo aan dhiiri-gelinayn ololayn-ciyaalla-suuqnimo, ayaanu
haddana soo jeedinaynaa in xuduudaha hab-dhaqanka olalaha ee lagu muujiyey Qodobka 26(3) aanay ku jirin dhaliisha xisbiyada kale iyo musharixiinta kale.
Adeesiga Hantida qaranka
23. Waanu soo dhaweynaynaa Qodobka 26 (4) iyo Qodobka 27 ( Malaa waxa fiicnayd in labadan qodob mid qudha la iskaga dhigo), ee axsaabta ka xaaraantinimaynaya adeegsiga hantida guud. Si shakiga looga saaro, waxa fiicnaan lahayd in mas’uuliyadda Guddida Doorashada ee arrintani intan ka ballaadhnaato oo ay gaadho heer ay soo baadhi karaan, tallaabo sharci ahna ka qaadi karaan.
24. Qodobka 26 waa inay ku jirtaa , in ay waajib ku tahay musharixiinta iyo xisbiyada dhamaantood inay u hogaansanaadaan, gargaaraanna baadhitaanada Koomishanka. Digniin weyna lagu daro oo odhanaysa in haddii aad gargaari weydo koomishka ay xaq u leeyihiin inay go’aan ku gaadhaan in arrinta baadhitaanku ka socday ay dhab tahay.
25. Sharcigu waa inuu caddaan ka dhigaa in qaybaha ku lug leh si-xun u adeegsiga hantida qaran aanay ka dul boodayn xeerarka cigaabta haddii falalkaasi ay yihiin kuwo ah denbiyo. Tusaale ahaan denbiga “lacag-xaddista”
ee qodobka 241 ee xeerka denbiyadu ee sheegayaa in qofka la xidhi karo 3 ilaa 10 sanno, waxa uu saamayn dhamaan shaqaalaha dawladda haddii ay si xun u adeegsadaan lacag ama hanti qaran ama ay cid kale ugu adeegaan.
26. Waxannu soo jeedinaynaa in faqrad cusub lagu daro Article 27,
faqraddaa oo dalbanaysa inaanay ololaha ka qaybqaadan shaqaalaha dawladda sida, wasiirrada, wasiirro ku xigeennada, madaxda kale haysa xil distoorka ku sheegan, xaakimada guud, askarta police-ka iyo military-ga iyo saraakiisha ( ka sarraysa Grade A5 iwm). Kol haddii aynu nahay dawlad madaxtooyo dimuqradi ah ku dhisan, shaqaalaha caynkaa ahi waa saraak qaran.
27. Qodobka 27aad wuxuu si dhab ah u sheegayaa inaan xisbina ka helin “adeegsiya qaranka” gargaar dheeraad ah. Waxaanu jecelnahay intaa laga sii xoojiyo la caddeeyo in saddexda ay u sinaadaan kadeegsiga warbaahinta qaranka, sida idaacadda iyo wargeysyada qaranka. Waana in Gudida doorashadu (Electoral Commission) ay baadho wixii cabasho ah ee ka yimaadda arrintan iyagoo raacaya qaabka cabashada ee hoos ku qoran.
Wakiilada xisbiyada
28. Ma garanayno waxa shardi looga dhigay in wakiilka xisbigu ugu yaraan
30 jir noqdo, waxa aannu soo jeedinaynaa in taa lagu beddelo 21 jir si dadka yaryar loogu dhiiri-geliyo ka qaybqaadashada dimuqradiyada iyo inay xilal ka qabtaan axsaabta.
Guddida doorashooyinka
29. Waxaanu soo jeedinaynaa awooddaha Guddida ee ku qeexan Qodobka 14 ee Sharcigii 2001, dib loo saxo oo lagu dawo awoodda soo saaridda, dib u eegidda iyo bedelaadda xeerka iyo sharciyada doorashada. Ujeeddada sharciyada doorashadu waa in ay hirgaliyaan doorashooyin xor ah, saxan oo cadaalad ku salaysan; waa in dhammaan xisbiyada iy mushaaxyada lagula xisaabtamaa Qodobka 67 ee xeerka, halka gef kasta oo ka dhaca dadwaynaha lagula xisaabtamayo maxkamadda, iyadoo maxkamaddu eegyso danbiguu galay.
30. Guddigu waa inay si buuxda ula tashataa saddexda xisbi markasta oo ay soo saarayso ama dib u eegayso sharciyada doorashada; ama ay go’aaminayso dejinta goobaha codaynta (Qodobka 10(2)), iyo marka ay dejinayso habka diwangalinta codeeyayaasha.
31. Aad ayaanu uga soo horjeednaa Article 31 oo sheegaya in xubnaha Guddida Doorashada lagu kordhiyo 2 xubnood oo ay soo kala magacaabaan Madaxweynaha iyo Golaha Guurtidu. Ma jirto baahi noo muuqata oo dalbanaysa in la kordhiyo Guddida Doorashada xilligan tii uu waliba muranka taaganyahay jagadii ka bannaanaatay Guddida. Mana arkayno sabab lagu qanco oo xaq u siinaysa Madaxweynuhu inu soo magacaabo in ka badan 3 xubnood oo ka mid ah 7 xubnood ee ay immika Guddidu ka koobantahay. Ururkan Somaliland Forum sannadkii 2001 kii ayuu soo jeediyay inaan Guddida Doorashadu noqon mid uu Madaxweynuhu soo magacaabo, balse la helo dariiqo kale oo loo soo xulo. Wali
halkii ayaannu arrintan ka taagannahay, waxaanannu dalbanaynaa inu
xeerkani si cad u qeexo in magacaabidda ay kala leeyihiin Madaxweynaha,
Golaha Guurtida iyo Ururrada Mucaaridku, ansixintana ay leeyihiin Golaha Wakiilladu.
32. Sax uma aragno in guddida doorashada lagu dabbaqo qodobka 96 ee distoorka oo qeexaya sida iyo cidda eedayn ku soo oogi karta Madaxweynaha, M/weyne-ku-xigeenka iyo wasiirrada. Guddida doorashada waxa lagu kala diri karaa sida ku xusan qodobka 13 ee xeerkii 2001 ku sheegayo, Madaxweynaha iyo Gollaha wakiillaha ka dib marka loo saar guddi soo baadha oo soo caddaysay danbiga ay galeen. Haddii loo baahdo in la ilaaliyo maamuuska ay leedahay
Guddida doorashadu, waxanuu soo jeedinaynaa in la siiyo maamuus la mid ah ka ay leeyihiin xubnaha gollaha wakiillada oo ku qeexan Qodobka 29aad ee distoorka, maamuuskaa waxa lagaga xayuubin karaa sida ku xusan Qodobka 79aad ee distoorka. Haddii taasi tahay mid la qaadan karo waxaaanu soo jeedinaynaa inaanay jirin baahi loo qabo Qodobka 13aad ee Xeerka 2001. Xeerkaas waa in loo kabaa si uu sheego Golaha wakiiladu guddi baadhiseed ha magacaabo (halkii Madaxweynuhu ka magacaabi lahaa), haddii ay dhacaan arrimaha ku taxan Qodobka 13(a), oo gudidaasi go’aan ha ka gaadho Xubinta gudida doorashada. Dhab ahaan, labada qaabba waxay u baahan yihiin guddi baadhiseed, hase yeeshe qaabka hore waxaa la isla tegeyaa Maxkamadda sare , qaabka danbese waxa uu ku gebogeboobayaa in ka sii daayo xubinta Gudidada
Doorashada.
Xaashiyadaha cod-bixinta
33. Waanu soo dhawaynaynaa waraaqaha leh astaamaha qarsoon
“hologrammed” ee Qodobka 37(2) iyo tijaabinta in khadka calaamadayntu yahay mid aan tirmi Karin (Qodobka 38), taasoo aanu rumaysanahay in lagu samayndoono si feejignaan badan; iyo waliba Qodobka 39 ee sugaya goobaha iyo sanduuqa codbixinta iyo calaamadaynta.
Codbixinta iyo tirinta codadka
34. Habka codbixinta iyo tirinta codadka (Qodobada 41 ilaa 61) waxay u eeg yihiin kuwii sharcigii 2001, mana hayno wax faallo oo ku saabsan. Waxaanu hayeeshee soo jeedin lahayn in Qodobka 46 lagu daro farad kale oo odhanaysa haddii cod bixiyuhu uu la kulmo dhibaato cad oo dhab ah si uu u calaamadeeyo waraaqaha codbixinta, mid ka mid ah howlwadeenada goobta codbixintu wuu u kala sharxi karaa calaamadaha xisbi kasta, iyagoo ay arkayaan wakiilada asxaabta; calaamadahaas xibyadu waxay si cado o waawayn ugu dhigan yihiin goobta codbixinta.
Natiijada doorashooyinka
35. Qodobka 62(1) wuxuu u baahnyahay in lala meel dhigo Qodobka 9(40) ee Xeerka Habka Nidaamaka Sharciga 2004 iyo Qodobka 65(1) ee Xeerka Doorashoyinka Madaxwaynaha iyo Golayaasha Degaanka, kuwasoo labaduba siinaya kaliya Maxkamadda Sare awoodda eegista dacwadaha iyo cabashooyinka doorashda madaxwaynaha iyo baarlamaanka. Maxkamadda Dastuurigu waxaa kaliya ee ay eegaysaa ku salaynta Dastuurka wixii la isku shaki galo ee la isku qabsado (eeg Qodobka 6(4) ee XeerkaNidaamka Sharciga 2004).
36. Sida kuba cad Qodobada 9(4)(f) oo lala akhriyo Qodobka 6(6) ee
Xeerka Habka Nidaamka Shariciga 2004, Maxkamadda Sare waa inay iminka siisaa go’aan daliilsan qaraar kasta oo ay gaadho; hayeeshee si shaki looga saaro meesha, Qodobka 62(1) ee Xeerkani waa in lagu daro farqad cusub xaqiijinaysa in Maxkamaddu ka bixin doonto daliil faahfaahsan qaraaradeeda oo dhan; iyadoo islmarkaana la caddayaya aragtiyada xibiyada, Komishanka, iyo waliba gebagabada qaraarada maxkamadda oo ay ku cad yihiin rayiga khilaafsan go’aanka ee laga bato (minority dissenting opinions).
Doorka warbaafinta
37. Waxaanu ku talinayanaa in lagu daro Qodob cusub oo ku saabsan
doorka warbaahinta, oo si cad u qeexaya in xisbi iyo musharrax kastaa aanu ku xadgudbin doorka warbaahinta inta ka horraysa doorashada xilliga doorashada iyo ka dib go’aanka doorashda; iyo in qodobkaasi aanu iska
hortaagin in warbaahintu tagto kulamada caamka ah ee siyaasadeed,
banaanbaxyada iyo isu imaadka; islamarkaana sugaaya inaan
wariyayaasha wax dhibaato ah loo gaysan, la handadin oo aan loo hanjabin, cidina aanay u gaysan karin wariyayaasa dhibaato jid-dil ah oo ka timaadda taageerayaasha ama wakiilada xisbiyada iyo musharaxyada.
Anshaxmarinta xadgudubka
38. Iyadoon la yasayn ciqaabaha xadgudubka keeni kara denbiyada
doorashada (eeg hoos), waxaanu soo dhawaynaynaa anshaxmarin ku waajibta
xisbiyada iyo musharaxyada iyo waliba wakiilada haddii ay ku gafaan xeerkan (iyo sharciyada doorashada); waxaanuse aad ugasoo horjeednaa in in Komishanku awood u yeesho inuu ciqaabo dadwaynaha. Danbi kasta oo lagusoo oogo muwaadinka caadiga ah waa in maxkamadi go’aank gaadhaa.
39. Sida ku cad Qodobka 99(4)(c) ee Xeerka Habka Nidmaaka Sharciga 2004, Maxkamadda Sare ayada oo kaliya ayaa go’aan ka gadhaysa cabashooyinka ku aadan Maamulada; sida kor ku cadna iyadaa eegaysa natiijada doorashada iyo ashkatooyinka la xidhiidha. Waxaanu halkan ku
talinaynaa abiil kasta oo la xidhiidha anshaxmarin Koomishunka gaadho, in loo geeyo maxkamadda abiil qaadashada ee ku haboon; haddii kale dhammaan ambiilada waxaa loo dirayaa Maxkamada Sare.
Denbiyaha Doorashooyinka
40. Xeerka Ciqaabtu ma dabooli karayo denbiyada ka yimaada
doorashooyinka, sidaa awgeed waxaanu soo jeedinay 2001 in Xeerarka
Doorashada lagu daro denbiyo denbiyadaas oo kale. Ma jirto wax is burin ah oo ka imanaysa xaga Xeerarka Ciqaabta waa xeerka ciqaabta, qodobka 13aad ayaa sheegaya in wixii xeer ah ee gaar ahi uu ka hormoodsan yahay Xeerarka Ciqaabta. Waxaanu soo jeedinaynaa cutub cusub oo xeerkan ka mid ah. Waxaanu soo jeedinayna in denbiyadan soo socda( oo laga soo xigtay Sharicyada Doorashada ee waddanka Koonfurta Africa) lagu daro cutubkaa cusub ee
xeerka
* In qof lagu dirqiyo inuu codkiisa siiyo musharax ama xisbi gaar ah ama inuu ka qayb qaato mudaharaadyo iwm.
* In la farogeliyo madax-banaanida iyo dhexdhexaadnimada Gudida Doorashada ama shaqaalaha doorashada heer kastaba ha ahaadeene.
* In loo diido musharixiinta, xisbiyada iyo shaqaalaha doorashadu inay la kulmi karaan cod-bixiyayaasha.
* In si sharci darro ah loo diido in la qabto shir siyaasadeed,
banaan-bax ama mudaharaad.
* In aad si kas u gargaartid inuu cod dhiibto qof aan xaq u lahayni.
* In cod lagu dhiibto magaca qof kale.
* In mar wax ka badan aad dhiibato ama isku daydid inaad dhiibato
codkaaga.
* Inaad masaxdid ama isku daydid inaad masaxdo khadka aan baaba’ayn adigoo u jeeda inaad mar kale cod dhiibatid.
* Inaad been sheegtid wixii ku lug leh habka doorashada.
* Inaad qarisid, baabi’isid ama aad meel kale geysid qalabka
doorashada.
* Inaad si sharci darro ah aad u tuurtid ama u baabi’isid xayaysiinada doorashooyinka inta doorashadu socoto.
* Inaad diidid ammarada sharciga ah Gudida Doorashada ama shaqaalaha doorashada ama poliiska jooga goobaha cod-bixinta.
* Inaad dhabqisid ama si kas aad u qastid ama u habsaamisid
hab-u-socodka doorashada ama tirinta codka.
* Inaad isku daydid inaad si sharci darro ah u bedeshid natiijada
tartanka doorashada
41. Waxaan u deynaynaa ciqaabta ay denbiyaadi mutaysanayaan Golayaasha Dawladda. Waxaanuse soo jeedinaynaa in ciqaabtu u dhaxayso ganaax ilaa shan sanno oo xadhig ah iyadoo la eegayo weynaanta denbiga.
Dib-u-dhigista aan laga fursanayn
42. Waanu ogsson nahay in loo baahan yahay habka (ku jira Qodobka 68) ay gudida doorashadu dib ugu dhigi cod-bixinta ee meel sababo aan laga hor tegi karin awgood, hase yeeshee waxaanu soo jeddinaynaa in Gudidu lawada tashato dhamaan xisbiyada intaanay gaadhin go’aan caynkaas ah.
Qaabka Xeerka
43. Waxaanu ku talin lahayn in xeerkani uu ku koobnaan lahaa arrimaha u gaarka ah doorasha golayaasha oo keliya ee aan ku jirin Xeerarka Doorashada Madaxweynaha iyo Dawladaha Hoose (Xeerka 20 aad ee 2001), waqtiga soo socdna aynu yeelan doonno hal xeer oo doorashooyinka oo dhan. Si kastaba ha ahaatee sida uu sheegayo qodobka 71aad ee xeerkani, wixii ka maqan xeerkan waxaa lagu dabaqayaa Xeerka Doorashada ee 2001. Waxaanu rajayneynaa inaan jaah-wareer ka iman oo qodobada ka maqan xeerkan loo qaato in aanay ku lug lahayn doorashada Golaha Wakiilada amaba ll fahmo in lagaba saarin xeerkii doorashada ee 2001. Tusaale ahaan Qodobka 25aad ee xeerkani ee ku lug leh habka ololayntu ma sheegayo (isagoo saxsan) sida Xeerkii 2001, Qodobkiisa
30(1)aad, in wixii xayaysiin ah, duqa magaaladu soo ansixiyo 48 saacadood horteed intaan la soo shaac-bixin. Sidoo kale Qodobka 12aad ma cayimayo mudada uu qofka dawladda iskaga casiliyo shaqadiisa haddi uu musharix noqanayo, halka Xeerkii 2001 uu leeyahy waan in qofku shaqada kaga tagaa 189 cisho horteed. Waxaanu rajaynaynaa inaan la soo celin qodobadaas.. Si loo yareeyo wixii is-fahan la’aan ah ee iman kara, waxaanu soo jeedinaynaa in la adkeeyo micnaha iyo ujeedada Qodobka 70 aad.
Gunaanad
44. Sida dhammaan dadka reer Somaliland waxaanu u heelan nahay inaan ka midho-dhalino habka diqumraadiyadeed ee Somaliland si golayaashu kuwa si dhab ah u metala shacbiga. Kama aanu indho-qarsan doodaha dhabta ah ee ka yimi saamiga kuraasta iyo habka doorashada, hase yeeshee waxaanu ku kalsoon nahay dadweynaheena oo mar walba muujiyey adkaysi iyo is-tix-gelin iyagoo danaynaya danta guud. Waxaanu ku boorinaynaa labada gole inay aaminaan maskaxda dadka iyo himiladooda ah inay xoojistaan nabadooda ayna hagaajiyaan dawladooda. Waxaan ka codsanaynaa labdada gole inay si dhakhso ugu codeyaan dhamaystirka xeerka oo in badan la sugayey.
SOMALILAND FORUM
08/01/2005