“Xukunka ay Guddida Nabadgalyada Saaxil ku riddey
lixda muwaadin waa xaq darro, waana in maxkamadda
sharciga ah la horkeeno ama la sii daayo ”
Sumad: SF/CLC/06/11
Taariikh:
02.12.2006
Ururka Somaliland Forum ee ay isku-bahaysteen
qurba-joog u dhashay Somaliland waxa uu si aada u uga
soo horjeeda xukunka sharcidarrada ah ee ay Guddida
Nabadgalyada Gobolka Saaxil ku rideen lix ka mid ah
dadkii loo qabqabtay mudaharaadkii ka dhacay magaalada
Berbera 16-kii bisha Noofember, 2006.
Ururku waxa uu marar badan ku celceliyay oo ugu baaqay
xukuumadda iyo goleyaasha qarankaba in si degdeg ah
loo baabi’iyo jiritaanka guddiyada nabadgalyada ee
sida sharci darrada ah uga hawlgala gobolada iyo
degmooyinka dalka.
Urur ahaana annagoo soo dhawaynayna go’aankii ay
guddida turxaan bixinta labada gole ku gaadheen
magaalada Sheekh ee farayay in Guddiyada Nabadgalyadu
ay ku dhaqmaan Xeerkii Nabadgalyada Guud ee 1962kii,
kaasi oo aan Guddiyadda awood u siinayn in ay xabsi ku
xukumaan muwaadiniinta, ayaa waxa haddana fajiciso
nagu noqotay in ay guddiyadaasi ka tallaabsadaan wixii
labada gole ku heshiiyeen oo ay xadhig aan sharciga
waafaqsanayn ku rideen dad, iyada oo aan maxkamadm
sharci (court of law) ah la hor keenin, taas oo ah in
durba la jabiyo wixii lagu heshiiyay.
Somaliland Forum waxay uu u arkaa in falalka noocan oo
kale ahi in ay ku xadgudbayaan xuquuqda aasaaska ah ee
muwaadinka, iyada oo ay waliba falalkaasi caqabad ku
noqonayaan hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, isla
markaana ay dhabarjabinayaa ololaha aynu ugu jirno
aqoonsi caalami ah oo dalkeenu helo.
Haddaba waxaanu ugu baaqaynaa Gollayaasha qaranka iyo
asxaabta qaranku.
1) In si degdeg ah loo fuliyo dhaqan geliyo
heshiiskii Sheekh ee farayay in Guddiyada Nabadgalyadu
in ay ku dhaqmaan xeerka xasilloonida guud oo aan
awood u siineyn ay xukun ku ridaan cidna oo qofkii
dambi gala la horgeeyo maxkamad.
2) In aan hay’adaha garsoorka hawshooda lagu
faragelin, lana ogaado in ay yihiin kuwa kaliya ee
xukun ridi kara.
3) In ay Dowladdu xil weyn iska saartaa dhawridda
xuquuqda insaanka iskana ilaaliso wixii dhaawacaya
sumcadda dalka, si deg deg ah u dhisto Komishan madax
banaan oo Xuquuqda aadimiga ah ka shaqeysa (Somaliland
Human Rights Commission), iyadoo kaalmo iyo deeq lagu
dhiso loo heli karo.
4) In si dhakhso ah loo sii daayo ama maxkamadda
sharciga ah la horkeeno cid allaale cidii hadda u
xidhan amar Gudi Nabadgelyo soo saartay.
5) In Gudoomiyaha Maxkamda Sare uu soo wareegto uu ku
amrayo in Maxkamaddii ogolaata in qof u xidhan Gudi
Nabadgelyo ay amar ku bixiso in la horkeeno qofkaas
iyago cuskanaya Qodobada 66aad ((habeas corpus) ama
67aad ee Xeerka Habka Ciqaabta.
6) In Wasiirka Arrimaha Guduhu uu dib u habeeyo
Gudiyadda Nabadgelyadda oo amar cadaana ugu sheego in
ay ku dhaqmaan Distoorka JSL oo anay faragelin awoodah
waaxda garsoorka .
Sida distoorka qaranka iyo Xeerka Habka Ciqaabta ku
qeexan ma bannaana in qofna la baadho, la xidho ama la
xayiro, haddii aan sharciga loo marin. Nafta
Aadamuhuna waa deeq, waana qaali qofkastaana waxa uu
xaq u leeyahay xorriyadiisa, waxaanu ku waayi karaa oo
qudha xukun maxkamadeed.
Wa bilaahi tawfiiq.