Cambaarayn iyo Digniin ku Socota Guddiga Nabadgelyada

Sumad: SF/CLC/07/04                                                                     

Cambaarayn iyo Digniin ku Socota Guddiga Nabadgelyada 

Ururka Somaliland Forum waxa uu (mar kale) cambaarayn iyo digniin culus u soo jeedinayaa xubnaha Guddiyada nabadgelyada ee ka hawgala dhammaan degmooyinka iyo gobollada dalka Somaliland; kuwaasi oo si sharci darro ah xadhig ugu xukuma muwaadiniinta iyaga oo aan lahayn awoodda lagu xidho muwaadinka. Sharciga Somaliland wuxu qeexayaa in Maxkamadda oo keliya ay awood u leedahay in ay bixiso xukunka lagu xidhi karo muwaadin (marka la xaqiijiyo dambigii lagu soo oogay).  

  1. Xubin kasta oo ka qayb qaadata hawlaha guddiyada nabadgelyadu ha ogaato in shakhsiyan aad masuul ka tahay xukunnada sharci darrada ah ee ku lidka ah distoorka qaranka iyo xadgudubyada xuquuqda muwaadinka; waxaanu digniin kaa siinaynaa in sharciga lagula tiigsan doono ha dhawaato ama ha fogaatee, oo muwaadiniintii aan xuquuqdooda duudsiday iyo anaguba aanaan illaawi doonin dambiga aad gashay.

 

  1. Maayarada (Duqa Magaalooyinka) ee dimuqraadiga lagu soo doortay sharaf dhac bay ku tahay (iyaga iyo xisbiyada ay ka tirsan yihiinba) inay ka mid noqdaan guddiyo aan ku dhisnayn sharci oo duudsiya xuquuqda muwaadinka, hana ogaadaa in barri ka maalin marka ay doorasho isu soo taagaan aanay cod siin doonin shacbiga ay xaq- darada ku xukumayaan oo waliba maxkamad lagu soo istaajin doono dembiyada aad galeen ee ku duudsiyeen xuquuqdii muwaadinka muddadii ay xilka hayeen.

 

  1. Xisbiyada (UDUB, UCID & KULMIYE) waa in ay bayaan ka soo saaraan mawqifka ay ka taagan yihiin Guddiyada Nabadgelyada iyo xubnaha iyaga ka tirsan ee ku jira Gudida Nabadgelyada. Waxaanu dadwaynaha qoraal ugu soo sheegaynaa magacyada xubnaha Gudida Nabadgelyada iyo xisbiyada ay ka tirsan yihiin.

 

  1. Masuuliyiinta kale ee xubinta ka ah Guddida Nabadgelyada (Xeer ilaaliyayaasha, taliyayaasha ciidamada,   Guddoomiyaha Gobolka, Masuulyiinta wasaaradda arrimaha guddaha iyo kuwa kale) waxaanu uga digaynayaa inaan laga oggaalaan doonin in aydaan ogayn in xukunkiinu aanu sharci ku salaysnayn. Iminkaba waxaanu idiinka digaynaa inaad iskaga baxdaan oo aad diiddaan inaad xubin ka noqotaan Guddigan. Hadii kale ogaada waxaad u badheedheen inaad dembiyadan ka gashaan dadkiina.

 

  1. Ururka Somaliland Forum wuxu u aqoonsaday xubnaha Gudida Nabadgelyada inay u badheedheen in ay duudsiyaan xuquuqda muwaadinka, iyaga oo xidhay dad tiro badan oo ku jira jeelasha Somaliland. Waxaanu ku wargalin doonaa beesha caalamku in ay tallaabo ka qaado sidii loo sii dayn lahaa boqolaalka ruux ee u xidhan gudiyadan iyaga oo aan maxkamad sharci ahi xukun ku ridin.

 

Ururka Somaliland Forum waxa uu mar kale xukuummada Somaliland, golayaasha qaranka, asxaabta siyaasiga, madax dhaqameedka, iyo dadwaynaha Somaliland ugu baaqayaa in la baabi’iyo xukunka degdega ah ee ay qaadaan Guddiyada nabadgelyadu, waxaanuna u soo jeedinaynaa in dadka u xidhan guddiyadan loo soo celiya xuquuqdooda ama si sharci ah maxkammada loo horkeeno oo loo oggolaado inay is iska difaacaan dembiyada lagu oogay. 
 

Wa Bilaahi Tawfiiq 



Home
  • About
  • Bylaws
  • Contact
  •    ^top