Waxaa taariikdhu markay ahayd 22 April, 2007 lasoo gabagabeeyay doorashadii Guddida Fulinta ee Ururka Somaliland Forum ee sannadka 2007-2008. Doorashadaa oo ahayd mid ay xubnaha ururku ku dooranayeen guddidii tobnaad ee ururka tan iyo markii la asaasaay. Ururka Somaliland Forum sannad walba xilligan oo kale waxa uu doortaa 5 xubnoon oo hoggaamiya ururka muddo sannad ah, sida uu dhigayo xeerka ururka u yaallaa. Doorashadii sannadkan waxa ay u dhacday si dimuqradi ah oo aan madmadaw ku jirin, waxaanay xubnaha ururku u codeeyeen 5 ta xubnood ee hoos ku xusan, kuwaasi oo noqon doona Guddida Fulinta ee ururka sannadka 2007-2008. Waxaa taariikdhu markay ahayd 22 April, 2007 lasoo gabagabeeyay doorashadii Guddida Fulinta ee Ururka Somaliland Forum ee sannadka 2007-2008. Doorashadaa oo ahayd mid ay xubnaha ururku ku dooranayeen guddidii tobnaad ee ururka tan iyo markii la asaasaay. Ururka Somaliland Forum sannad walba xilligan oo kale waxa uu doortaa 5 xubnoon oo hoggaamiya ururka muddo sannad ah, sida uu dhigayo xeerka ururka u yaallaa. Doorashadii sannadkan waxa ay u dhacday si dimuqradi ah oo aan madmadaw ku jirin, waxaanay xubnaha ururku u codeeyeen 5 ta xubnood ee hoos ku xusan, kuwaasi oo noqon doona Guddida Fulinta ee ururka sannadka 2007-2008.
Guddoomiye: Rashid Garuf - USA
Gudd.ku Xigeen: Abdirahman M Magan - UAE
Xoghaye: AbdiNasir Haibe - Canada
Lacaghaye: Ismail Awad - Kenya
Xubin Guud: Ahmed Jama - Somaliland
Somaliland Guddida doorashada ee ururka Somalilnd Forum waxa ay xubnaha ku guulaystay doorashada ku hanbalyaynayaan doorashada la doortay iyo xilkan culus ee lagu aaminay inay hoggaanka ururka qabtaan sannadka soo socda. Waxaananu u rajaynayaa inu hawsha illaahay ku garab galo guulona ka gaadhaan xilkan loo igmaday. Waxa kaloo annu u mahad naqaynaa guddida xilka wareejinaysa oo si wanaagsan u soo gudtay waajibkoodii.
Ugu danbayntii waxannu u mahadnaqaynaa madasha guud ee ururka oo noo suurto geliyay inay doorashadani u dhacdo si habsami ah kuna dhammaato guul. Dhamaanba xubnaha Gollaha iyo Bahweynta Somalilandba waxaanu leenahay nagula sagootiya guddidii hore sannadkii 2006-2007 duco iyo mahadnaq.
Guddida Doorashada ee Ururka Somaliland Forum:
Abdisamad Ali
Sharmarke Magan
Hussein Wadaadyare
Ururka Somaliland Forum:
“Ururka Somaliland Forum waa urur madaxbannaan oo ay isku bahaysteen qurb-joog reer Somaliland ahi. Waxa uu ururkani aaminsanyahay qarannimada, horumarka iyo madaxbannaanida Somaliland waxanu iskaashi la sameeyaa jaalliyadaha Somaliland ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa horumarka Somaliland. Ururkani wuxu rumaysanyahay in dadka reer Somaliland ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan horumarinta dalkooda.”