Guddiga Xukun-Qarqooshka Hargeysa oo mar kale ku kacday xadgudub distoori ah

Dhowrista nabadgelyada iyo degganaanshaha ummadda waxa u yaalla xeerar iyo sharciyo lagu dhaqo oo aan goldaloolo lahayn, isla markaana ciddii ku gefta ummadda ee danbi ka gasha shaqsi, ama qarankaba, ka qabanaya. Waddankeennu wuxuu leeyahay waaxyo garsoor iyo fullineed oo isu dhammaystiran, umana baahna gacan-dhaaf aan xalaal ahayn. Xukun aan garsoorka laga ansixinina ma aha, mana ahaan doono, mid xalaal ah.
     
Haddaba walaaca Ururka Somaliland Forum ka haysta ku tumashada xaqa muwaadiniinta Somaliland ee ay ka danbeeyaan Guddiga xalaasha ka fog ee wax ku xukunta amar aanay awooddiisa lahayn, oo aan Dastuurka Qaranku u fasixin, ayaa gaadhay meel aan loo dulqaadan karin.
    
Ururka Somaliland Forum waxa aanu sinaba u qaadan la’yahay waxa ka hortaagan maamulka waddanka ka jira hadda, in uu adeegsado Maxkamadaha, oo ciddii lagu eedeeyo inay danbi galeen, ku xukumi kara xeerarka iyo sharciyada waddanka u yaal.
    
Somaliland Forum waxa walaaca ku abuuray ka sinaysashada sharciga ee waddada xaaraanta ah loo soo marayo iyada oo nasiib wanaag ay muuqdaan waddoonyinkii xalaasha ahaa ee kala saari lahaa eedaysanayaasha iyo dhibbanayaasha, ee mid kasta xaqiisa distuuriga ah iyo waajibkiisa ciqaabeed marin lahaa.
    
Urur ahaan anagoo ogsoon in muranka dhulku dhibaato weyn ku hayso xasiloonida dalka, haddana nooma muuqato in ay xal u noqonayso in xukun qarqoosha oo aan sharci waafaqsanayni lagu dhamayn karo mushkalada dhulka oo aanu u aragano mid halis ku ah nabadgalyada dalka.
    
Xubnaha guddiyada qarqooshka ah waxaannu u mar kale u soo jeedinaynaa in ay magacooda iyo sharaftooda u tudhaan oo ka waantoobaan in ay horseed ka noqdaan ku tumashada sharciga, taasi oo ay ka dhalan karto xasilloono darro. Waana in ay ogsoonaadaan in bari ka maalin lagula xisaabtami doono ka qayb qaadashada guddiyo sharciga baal marsan ee muwaadiniinta ku rida xukunnada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha.
   
Haddaba waxaanu mar kale ugu yeedhaynaa guddoomiyeyaasha maxkamadaha heer degmo, heer gobol iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, iyo garsoorayaasha maxkamadaha ee heerarka ka duwan, in xilkoodii ka saarnaa ummadda loo gacan dhaafayo, ayna tahay mas’uuliyad iyaga saaran oo ay iska indha-tirayaan. Ka aammusidda arrinkan waxa aanu u qaadanaynaa inay raalli ka yihiin.
   
Somaliland Forum waxa ugu baaqayaa mar kale xukuumadda Somaliland in ay si degdeg ah xuquuqdoodii muwaadinnimo ugu soo celiyaan ama si sharciga waafaqsan loo hor keeno maxkamadaha distooriga ah dhammaan dadka u xidhxidhan Guddiyada Siyaad Bare, oo ay u danbeeyeen dhibanayaasha kale ah Ifraax Dhoorre, Maxamed Cali Cigaal, Axmed Cabdi Foolke, Cabdi Xasan Aw Muuse, Mustafe Yuusuf Gaacayte, Cabdishakuur Xariir Muuse iyo Ibraahim Maxamed Xawaadle. Haddii ay dadkani danbi galeen waxaa muhiim ah in xaakin u haysta awood distoorku siiyay uu go’aankooda gaadho, oo ka xayiro gobannimadooda sida distoorkeennu dhigaayo. Haddii kale waa in si degdeg ah loogu soo celiyo xorriyaddooda uu dammaanad-qaaday distoorkeennu.
   
Wa Bilaahi Tawfiiq
   



Home
  • About
  • Bylaws
  • Contact
  •    ^top