Waxaa lasoo sheegay in dhowaan uu Mayor-ka caasimadda Hargeisa Xuseen Maxamud Jiciir aflagaaddo, gacan saar iyo xadhig aan sharciga meelna ka waafaqsanayn ula badheedhay wariye Cabdiraxmaan Muse Cumar oo markaa waajibkii shaqadiisa ku gudajiray. Wariyahan Hargeysa Cable TV waxa jeelka ka soo daysay Maxkamadii markii ay cadaatay in aanu wax dembi ah isagu galin, taasna waa arrin ay Maxkamadu ku mutaysatay hambalyo dheeraada. Dhacdadani ma aha markii ugu horraysay ee mas’uul qaran uu issaga oo adeegsanaya awoodda shicibku siiyeen uu ugu xoog sheegto qof rayid ah oo aan waxba galabsan amarna ku bixiyo in loo xidho.
Ururka Somaliland Forum wuxu Mayorka Hargeysa uga digayaa inuu ka waantoobo amar ku taaglaynta iyo adeegsiga awoodda iyo haybadda kursiga, ogaadaanna in distoorka waddanka lagu dhaqaa uu qof kasta oo muwaadin ah xorriyaddiisa uu kafaalo qaaday.
Waxa nasiib daro ah in xildhibaan la soo doortay uu awooddii iyo kalsoonidii la siiyay uu haybaddii kursiga u isticmaalu amar-ku-taaglayn iyo inuu dadka ku xidhxidho. Dhacdadan ugu danbaysay waxaa ka horeysay in in Mayor-ka Hargeysa, Mudane Xuseen Maxamud Jiciir, uu xubin ka yahay Guddida Nabadgelyada ee go’aannada xukun qarqooshka ah hadh iyo habeen muwaadiniinta xabsiga ugu dira. Mayorka iyo guddida uu ku jiro waxay jeelka u taxaabeen dad tiradoodu aad u badan tahay oo ilaa maanta jeelasha ku jira. Taas waxaa ka sii daran in dadkan bilaa sharciga lagu xidhay ay qaarkood ka cabanayeyn tallaabooyin iyo hawlo ay Mayorka iyo Golohiisa deeganku ay qabtaan. Waa astaamaha lagu arko xukuumadaha kelitaliska in xildhibaan go’aamadiisa cidi ka cabatao ama ku mudaharaado uu isagoo maxkmad sharci ah cidaas marin uu isagu ama guddi uu ka mid yahay xabsiga u taxaabto, taas iyo mid xitaa u dhowna ma noqon karto midhihii looso halagamay.
Dastoorka Somaliland si aan madmadaw lahayn ayuu u qeexayaa in sharciga hortiisa muwaadiniintu xuquuq siman ku leeyiin, walina maanu garan meesha mas’uuliyiintanu kala soo baxeen sharciga uu nin mas’uul ahi amar ku bixinayo in qof rayid ah loo xidho, taa jawaabteedu waa mid u taalla laamaha garsoorka ee Somaliland oo iyagu ah kuwa u taagan inay si xaqsoor ah muwaadiniinta ugu garsooraan.
Ururka Somaliland Forum :
1. Wuxuu ku dhiiri gelinayaa maxkamadaha inay awoodan Mayorka iyo gudidiisu isa siiyeen ay ka qaadaan iyagoo dhamaan jeelasha ka sii daynaya dadka u xidhay Mayorka Hargeysa iyo gudidiisa oo muujiyaan in Maxkamaduhu yihiin waaxda keliya ee leh awoooda muwaadin lagu xidhi karo marka dambi lagu soo cadeeyo.
2. Waxaan kaloo maxkamadaha ku guubaabineyna in ay si cadaalad ah uga garsooraan cabashooyinka iyo dacwadaha madaniga ah ama denbiga ah ee ku saabsan muwaadiniinta ka ashkatoonaya xildhibaanada dawladda ee ku xadgudba xuqquudooda iyo xorriyadahooda aasaasiga ah ee Distoorku iyo xeerarka dalku ay kafaalaqaadeen. Xasiloonida dalka waxaa sii adkeynaya marka muwaadiniinta ay u muuqato in dulmi kasta ay ka cabanayaan ay wado sharci ah oo cadaalad ah u mari karaan.
3. Shicibka Somaliland iyo Xisbiyadu way xasuusan doonaan xiliga doorashada soo socota in Mayor-ka Hargeysa iyo dhamaan Mayoradda kale ee ka qaybqaatay xukunnada qarqooshka ah ee Gudiyadani, waanay miisaamidoonaan in uu qalmin kalsoonidooda mar labaad.
4. Waxaanu masuulyiinta qaranka uga digaynaa in ku tumashada dastuurka ee soo noqnoqonaysa ay horseedi karto xasilooni darro isla markaana ay dhabarjab weyn ku tahay kobcinta dimuqraadiyada curdinka ah ee dadka reer Somaliland gudaha iyo dibadba ugu jiraan sidii dalkoodu uga mid noqon lahaa beesha caalamka.
5. Anagoo aad ula soconna maalin kasta wararka dibedda laga soo sheego Somaliland, markasta murug iyo naxdin ayey anaga iyo saaxiibta Somaliland ku tahay in lasoo sheego in Mas’uulyiintii aynu soo dooranay ama xilka u dhiibanay ay xidheyn weriye ama muwaadin oo aan waxa allaale wax denbi maxkamad lagaga cadeeyay aanay jirin. Dhacdooyinka ceynkaasi waa kuwa sumcadda Somaliland aad dhaawacaya, anaga iyo umadda Somalilandna kama aqbaleynu xildhibaanna ficilka caynkaas ah.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Ibrahim Hashi Jama, UK, law@somalilandforum.com, ama Ibrahim@somalilandlaw.com.
Waxaad kaloo la soo xidhiidhi kartaa xubnaha Gudiga Dhexe ee Somaliland Forum.