Ururka Somaliland Forum oo deeq u fidiyey Kulliyada Berbera
Somaliland Forum wuxu gaadhsiiyay deeq dhan $6,213 Kulliyada Berbera. Deeqdaas oo la gudoon siiyay Dr. Saad Haji Ali Shire, oo xubin ka ah Somaliland Forum, kana mida masuuliyiinta Kuliyada Berbera u jooga waddanka Ingriiska.
Lacagtan waxa ku deeqay xubnaha Somaliland Forum oo aad u jecel inay caawiyaan waxbarashada Somaliland, mid hoose, mid dhexe, mid sare iyo mid jaamacadeedba. Tani maaha markii ugu horaysay ee Somaliland Forum caawiyo waxbarashada Somaliland, hore wuxu Forumku gaadhsiiyay deeq Jamacadaha kale iyo dugsiyada sarreba: caawimadaas oo marka la isku wada darro ka badan $60,000 tobankii sannadood ee la soo dhaafay.
Forumku wuxu ugu baaqayaa dhamaan shicibka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaanba in ay ka qayb qaataan waxtarka iyo caawimada waxbarashada Somaliland. Caruurteenu waa mustaqbalkeenii berrito wixii waxtar ah ee loo gaystaana waa horumarinta iyo wanaajinta mustaqbalka caruurteena iyo waddankeena. Kobcinta maskaxdooda iyo aqoontu waa waxtarka ugu wayn ee aynu u samayn karo.
Ururka Somaliland Forum waa urur madaxbannaan oo ay isku bahaysteen qurba-joog reer Somaliland ahi. Waxa uu ururkani aaminsan yahay qarannimada, horumarka iyo madaxbannaanida Somaliland, waxanu iskaashi la sameeyaa jaalliyadaha Somaliland ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa horumarka Somaliland. Ururkani wuxu rumaysanyahay in dadka reer Somaliland ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan horumarinta dalkooda.
Wixii faahfaahin ah ee arrintan ku saabsan Mushruuca lagu caawinayo Kuliyada Berbera, waxaad kala soo xidhiidhi kartaa gudida mashruucan:
1. Mohamed A. Ali Baranbaro Baranbaro@yahoo.com
2. Amina Jama amina aminajama@rogers.com
3. Hogad Ahmed Farah hogadAfarah@aol.com
4. Nura Ahmed Waris nurawaris@yahoo.com
5. Ahmed Jibril ajibril@abo.fi
Waxaad kale oo la xidhiidhi kartaa xubnaha Gudiga Dhexe ee Somaliland Forum oo ah:
1. Chairman: Rashid Garuf - USA , Chairman@somalilandforum.com
2. Vice Chair: Abdirahman Mohamed Magan- UAE, vice@somalilandforum.com
3. Secretary: Cabdinaasir Haybe Farah – Canada , secretary@somalilandforum.com
4. Treasurer: Ismaaciil Cawed -Kenya , treasurer@somalilandforum.com
5. Member at Large: Ahmed Abdi Jama – Somaliland, xubin@somalilandforum.com