Somaliland Meeli ugama Bannaana Maxaabiis Siyaasadeed
Dhismaha iyo hirgelinta dimuqraadiyad laga yagleelayo dal aan la aqoonsanayn oo dakhligiisuna aad u yaryahay ma’aha hawl sina u fudud, laakiin Somaliland waxay qabsatay waxyaabo badan oo loo haystay wax aaney qabsan Karin. Saddex doorasho guud ayaynu soo hirgelinay, waxaanaynu kaabiga u saarannahay wareeggii amma markii labaad ee doorashooyinka dawladaha hoose iyo tii madaxtooyada. Horumarkaa la taaban karo ee aynu ka hirgelinnay mandaqad aan ku dhaqanka dimuqraadiyadda dhaqan u lahayni waa inaanu noqon mid ku shaashooba tallaabo qaldan oo ay xukuumaddu ku dhaqaaqday.
Waxa aynu dan moodnay inaynu yeelanno distoor ku koobaya tirada axsaabta siyaasadda saddex ( in kastoo siduu ururkani hore u sheegay uu khalad u arkayay qodobkan, haddana taa ayaa dan la mooday iyada oo laga fa’iidaysanayo wixii la soo maray 1960maadkii), laakiin isla markaa ma jiro qodob distoori ah amma xeer ka farcamay distoorka oo qeexaya in axsaabta siyaasadda ee dalku ahaanayaan uun saddexda xisbi ee immika jira (UDUB, KULMIYE & UCID) oo iyagu ah kuwii ku soo baxay doorashadii dawladaha hoose ee dalka ka dhacday 2002. Haddaba immika oo ay inagu soo fool leeyihiin doorashooyin kale ma arkayno meel ay ururka Qaran iyo ilaa immika labada urur ee kale ee lagu dhawaaqay kaga hor imanayaan qodobka distooriga ah ee axsaabta siyaasadda ku xaddidaya saddex xisbi siyaasadeed, balse hoggaamiyayaasha Ururka Qaran waxay doonayaan uun inay helaan xaqoodii distooriga ahaa ee u oggolaanayay inay isu habayn karaan ururro siyaasadeed si ay nasiibkooda uga qaadaan doorashooyinka dawladaha hoose ee dhici doona bisha Diisember 2007.
Waxay ku doodayaan inaanu jirin sharci iska hortaagaya hawlaha ay wadaan, waxaanay ku andacoonayaan inay dawladda tahay ta distoorkii iyo sharciyadii dalka ku tumanaysa ee ka warwareegaysa inay fuliso waajibkii ka saarnaa inay dib u furto xafiiskii diiwaan gelinta ururrada siyaasadda ee la xidhay 6 bilood ka dib doorashadii dawladaha hoose ee 2002.
Cid ku raacsan arrintan iyo cid kaga soo horjeeddaba, waxa marka horeba wax aan sina loo aqbali karin ah in muwaadin ku hawlan inuu si nabadgelyo le ugu dhaqmo xaqiisii distooriga ahaa uu wasiir ka tirsan xukuumadda oo ka xubin ka ah saddexda xisbi ee dalka ka jira mid ka mid ahi uu ku tilmaamo inay nimankani yihiin danbiilayaal bixiyana amar xabsiga loogu taxaabo. Guddoomiyaha Ururka Qaran Dr.Moxammed Cabdi Gabboose iyo labada Guddoomiye ku-xigeen Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid oo taariikhdu markay ahayd 28/07/2007 loo dhaadhiciyay xabsiga mandheera waxay shaki la’an noqdeen maxaabiistii siyaasadeed ee ugu horraysay ee lagu xidho Somaliland.
Ururka Somaliland Forum:
- Wuxu si xoogle u canbaaraynayaa xadhiga lagula kacay saddexda muwaadin, waxaanu ku baaqayaa in si dhakhso ah, oo bilaa shuruud ah xorriyaddoodii loogu soo celiyo.
- Wuxu si wayn uga digayaa in, mar hadii aanay jirin danbiyo ku xusan Xeerka Diiwaan-gelinta Ururrada Siyaasadda (Xeer Lr.14/200), ku soo oogidda muwaadiniintan lagu soo oogo dacwad ku salaysan “danbiyadda laga galo qaranaka” ee ku xusan Xeerka Ciqaabta Guud (Penal Code) ay tahay talaabo aan habooneyn oo aan sina la aqbalikarin.
- Wuxu ugu baaqayaa guddiyada joogtada ah ee labada aqal ee baarlmaanku inay qabanqaabiyaan fadhi ay ku dhegeystaan dhinacyada ku muransan arrintan ee xukuumadda iyo ururka Qaran, ururrada siyaasadda, iyo ururrada bulshada (civil society) si loo gorfeeyo siday suurto gal u tahay in dib loo magacaabo guddidii diiwaan gelinta ururrada siyaasadda sida ku cad qodobka labaad ee xeer Lr.14/2000, warbixinna u soo gudbiyaan fadhiyada labada Gole muddo aan ka badnayn 4 toddobaad gudahood.
- Wuxu rumaysan yahay in ay habka dimuqradiyadda saldhig u tahay in xadiddada ka qaybqaadashada doorashooyinku ay mabda’ ahaan noqoto mid ku kooban uun waxyaabaha lagama maarmaanka u ah bulsho ku dhisan dimuqraadiyad dhab ah, sidaa daraadeed in mar kasta lagu xadido ka qayb gelaka doorashooyinka 3da xisbi ee markaa jiraa ay tahay arrin ka soo horjeedda dimuqraadiyadda iyo xuquuqda muwaadinkaba.
- Wuxu ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland inay joojiso xoogga ay adeegsanayso ee ay muwaadiniinta kaga horjoogsanayso xuquuqda is abaabulka iyo xorriyaddii ra’ayi dhiibashada, isla markaana ay iska dayso canbaaraynta ay la daba taagantahay ciddii wax ka sheegta.
- Wuxu ku dardaarayaa muwaadiniinta Somaliland guud ahaan, gaar ahaanna ciddii doonaysa inay ururro siyaasadeed habeystaan, inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo xasilloonida guud.
- Wuxu ka codsanayaa xukuumadda inay tallaabooyin degdeg ah oo lagu xoojinayo madaxbannaanida waaxda garsoorka si dhakhso loo qaado, gaar ahaana Madaxweynuhu, si dhakhso ah u saxeexo Xeerka Nidaamka Garsoorka oo muddo saddex sannadood ah ku caddilnaa saddexda Gole dhexdooda.
- Wuxu ku dhiirri gelinayaa labada aqal ee baarlamaanka iyo madaxweynahaba inay qaadaan tallaabooyinka lama huraanka ah ee loo baahanyahay in la qaado si doorashooyinka soo socdaa ay xilligii loogu talo-galay u qabsoomaan.
SOMALILAND FORUM
Ururka Somaliland Forum waa urur madaxbannaan oo ay isku bahaysteen qurba-joog reer Somaliland ahi. Waxa uu ururkani aaminsan yahay qarannimada, horumarka iyo madaxbannaanida Somaliland, waxanu iskaashi la sameeyaa jaalliyadaha Somaliland ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa horumarka Somaliland. Ururkani wuxu rumaysanyahay in dadka reer Somaliland ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan horumarinta dalkooda.
Waxaad kaloo la soo xidhiidhi kartaa xubnaha Gudiga Dhexe ee Somaliland Forum oo ah:
Gudoomiye: Rashid Garuf - USA , Chairman@somalilandforum.com
Ku-Xigeen: Abdirahman Mohamed Magan- UAE, vice@somalilandforum.com
Xoghaye: Cabdinaasir Haybe Farah – Canada , secretary@somalilandforum.com
Xisaabiye: Ismaaciil Cawed - Kenya , treasurer@somalilandforum.com
Xubin Guud: Ahmed Abdi Jama – Somaliland, xubin@somalilandforum.com