URURKA SOMALILAND FORUM: War-Saxaafadeed

Xukuumada Ha Joojiso Faragelinta Shuro Net
 Somaliland Forum waxa fajac iyo amakaag ku noqotay in Xukuumada Somaliland ay faraha kula jirto sidii loo bedeli lahaa maamulka ururka Shuro Net, oo loogu bedeli lahaa dad u shaqeeya laamaha dawlada.  Abdillahi Wayab oo ah ninka loo doortay inuu noqdo gudoomiyeha cusub ee Shuro Net waxa uu hadda u shaqeeya Somaliland National News Agency (SOLNNA) oo ah hay’ad dawlada ka mid ah, shirkii lagusoo xulayna waxaa ka qaybgalay Wasiiro.

                  

Somaliland Forum wuxu  aad iyo aad u cambaareynayaa farogelintan Xukuumada Somaliland, waxaanu dawlada ugu baaqayaa inay faraha kala baxdo arrimaha  ururuda bulshada ee madax banana  iyo gaar ahaan kuwa u hadla xuquuqda dadweynaha, sida Ururka Shuro Net. Dawladu inay maamusho ururka u dooda Xuquuqda Muwaadinka waxay la mid tahay Waraabe adhi la raaciyay. Falkani wuxuu muujinaya inay dawladu u tafo xaydatay inay burburiso ururada bulshada u adeega, waxa aanu hoosta ka xariiqayaa dulqaad la’aan iyo talo xumo.

                               

Ururka Shuro Net waa urur u dooda dadka xuquuqdooda ay Xukuumadu duudsido, waa urur qabta shaqo muhiima oo ay u baahan yihiin shicibka iyo qaranka Somaliland. Waa urur ay ujeedadiisu tahay in uu sheego oo ka hadlo marka xukuumadu (Dawlada Dhexe iyo mid gobolba) ay samayso wax ku xad gudbaya xuquuqda muwaadinka; taasuna waa mid ka dhigaysa in ururkanu noqonayo mid sheega dhaliisha Xukuumadu markasta oo ay ku xad gudubto xuquuqda muwaadinka. Taas macnaheedu maaha waa urur mucaarada, ee waxa weeyaan waa urur illaaliya xuquuqda muwaadinka, oo dhaleecaynaya dawlad kasta oo markaa jirta haddii ay ku kacdo falalka duudsiyaya xuquuqda muwaadinka.

                    

Waxaa walaac wayn nagu haya falalka is daba jooga ah ee Xukuumada Somaliland waddo, kuwaas oo dhamaantood muujinaya astaanka lagu yaqaan keli talisnimo oo aad uga fog habka diimuqraadiyadda ah ee aynu qaadanay. Mar labaad waxa aanu Xukuumada ugu baaqaynaa inay joojiso faragelinta maamulka ururka Shuro Net. Waxaanu dadwaynaha ku dhiiri gelinaynaa in ay  caawiyaan Shuro Net, oo aanay Xukuumada ka ogolaanin farogelintan. Ururkaasi xeerbay leeyahiin oo in ay u madax banana shirarkooda iyo doorashooyinkooda.

  

Illahay Ayaa Mahad leh, Guushana Qaranka iyo Shicibka Somaliland.

  

SOMALILAND FORUM
Ururka Somaliland Forum waa urur madaxbannaan oo ay isku bahaysteen qurba-joog reer Somaliland ahi. Waxa uu ururkani aaminsan yahay qarannimada, horumarka iyo madaxbannaanida Somaliland, waxanu iskaashi la sameeyaa jaalliyadaha Somaliland ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa horumarka Somaliland. Ururkani wuxu rumaysanyahay in dadka reer Somaliland ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan horumarinta dalkooda.
  

Wixii faahfaahin ah ee arrintan ku saabsan, fadlan la soo xidhiidh xubnaha Gudiga Dhexe ee Somaliland Forum oo ah:
  
Chairman: Rashid Garuf (USA), Chairman@somalilandforum.com
Vice Chair: Abdirahman Mohamed Magan (UAE),  vice@somalilandforum.com
Secretary: Cabdinaasir H. Farah (Canada), secretary@somalilandforum.com
Treasurer: Ismaaciil  Cawed -Kenya , treasurer@somalilandforum.com
Member at Large: Ahmed A.  Jama (Somaliland),   xubin@somalilandforum.com
   
 



Home
  • About
  • Bylaws
  • Contact
  •    ^top