URURKA SOMALILAND FORUM: War-Saxaafadeed
Muddo Xil Kordhin aan Distoori ahayn lama Aqbalikaro, Diwaangelintuna waa in ay Doorashooyinka Habeysaa ee aanay Halleynin
Ururka Somaliland Forum waxa uu si aada uga xun yahay in mar kale doorashooyinkii Somaliland dib-u-dhac ku yimaado, oo muddo kordhin aan Distoorka waafaqsanayn oo baalmarsan soojeedintii Kommishanka Doorashooyinka ay Guurtidu go’aamiso.
Anagoo wada ogsoon sababta aanay doorashooyinku xiligii loogu …