War-Saxaafadeed Ururka Somaliland Forum
Waxaa taariikdhu markay ahayd 17 May, 2008 lasoo gaba-gabeeyay doorashadii Guddida Fulinta ee Ururka Somaliland Forum ee sannadka 2008-2009. Ururka Somaliland Forum sannad walba xilligan oo kale waxa uu doortaa 5 xubnoon oo hoggaamiya ururka muddo sannad ah, sida uu dhigayo xeerka ururka u yaallaa. Waxay xubnaha ururku u codeeyeen 5-ta xubnood ee hoos ku xusan, kuwaasi oo noqon doona Guddida Fulinta ee ururka somaliland Forum sannadka 2008-2009.
Guddoomiye: Jamal Ali Hussein (Abidjan, Ivory Coast)
Guddoomiye-ku-Xigeen: Amina Abdi Jama (Toronto, Canada)
Xoghaye: Lul Farah (London, UK)
Lacaghaye: Eng. Ali Abdillahi Dahir (Hargeisa, Somaliland)
Xubin-Guud: Eng. Abdisalan Muse Galaal (Sohar, Oman)
Somaliland Guddida doorashada ee ururka Somalilnd Forum waxa ay xubnaha ku guulaystay doorashada ku hanbalyaynayaan doorashada la doortay iyo xilkan culus ee lagu aaminay inay hoggaanka ururka qabtaan sannadka soo socda. Waxaananu u rajaynayaa inu hawsha illaahay ku garab galo guulona ka gaadhaan xilkan loo igmaday. Waxa kaloo annu u mahad naqaynaa guddida xilka wareejinaysa oo si wanaagsan u soo gudtay waajibkoodii.
Ugu danbayntii waxannu u mahadnaqaynaa madasha guud ee ururka oo noo suurto geliyay inay doorashadani u dhacdo si habsami ah kuna dhammaato guul. Dhamaanba xubnaha Gollaha iyo Bahweynta Somalilandba waxaanu leenahay nagula sagootiya guddidii hore sannadkii 2007-2008 duco iyo mahadnaq. Guddidaas oo ah:
Guddoomiye: Rashid Garuf (USA)
Guddoomiye-ku-Xigeen: Abdirahman Mohamed Magan (UAE)
Xoghaye: Abdinasir Haibe Farah (Canada)
Lacaghaye: Ismail Awad (Kenya)
Xubin-Guud: Ahmed Abdi Jama (Somaliland)
Guddida Doorashada 2008 ee Ururka Somaliland Forum:
Maxamuud Maxamed Xoore
Cabdillahi Dauud
Sharmarke Magan
Maxamed Cali Xasan