Maxkamadda Distooriga ahi Miyaanay u Sinnayn Muwaadinka Sharcidarrada u Xidhan iyo Madaxweynuhu?
Maalintii Sabtidii ee bisha May 12, 2007, waxaa damcay inay dacwad ka furtaan Maxkamadda Distooriga sagaal (9) qof oo ku u xidhan amar bilaa sharci ah oo ay go’aamiyeen Guddiyada Nabadgelyada Somaliland, iyaga oo dalbanaaya in xuquuqdooda Distooriga oo ay ku xadgudbeen Gudidyaddani ay Maxkamaddu ka garnaqdo. Waxaa kaloo dacwaddan, sida sharcigu ugu ogolyahay, ka qayb …