Ururrada Reer Somaliland Ee Qurbaha Oo Baaq Dhaleeceyn Ah Ka Soo Saaray Weerarkii Argagixisnimo Ee Loo Geystay Ummadda Reer Somaliland

WAR-SAXAAFADEED: Somaliland Forum

Annaga oo ah Qurbo-Jooga Ururrada ku saxeexan baaqan waxaanu doonaynaa inaanu dareen adag ka muujinno weerarka qaawan ee argagixisnimo ee lagula kacay dadkayagii iyo dalkayagii , oo xanuun muddo dheer qaatay ka soo bogsoonaayay.
Ugu horreyn waxa aanu xukuumadda iyo shicibka reer uga tacsiyaynaynaa dadkii lala beegsadey weerarka argagixisnimo ee naftooda ku waayey. Ilaahay ayaynu uga baryaynaa inuu naxariista jano ka waraabiyo eheladoodana samir iyo iimaan ka siiyo. Inta ku dhaawacantayna waxa aanu u rajeyneyna in uu Ilaahay caafimaad siiyo. Waa ayaandarro in maanta tanna loogu daro innagoo og weerarradii diyaaradihii ku rusheeyeen Hargeysa shicibkii reer markuu sannadku ahaa 1988kii.
Waa xanuun weyn oo sii damqaya shicibka reer , kana sii fogeynaaya cidkastoo dhibaato ula timaadda. Kuwa dhagarahaa u geysanaya shicibka reer waa qaar Islaanimo iyo bini’aadnimo midna aan ku wajahneyn, ee uu nacayb iyo xaasidnimo ku salaysan. Marnaba wax la qaadan karo ma aha in waddaniyiin nolol-maal-meedkoodii ku dhex jira in ciiddoodii lagu soo weeraro. Waxa muuqata inuu falkani yahay mid in badan laga soo shaqeeynayay oo argagixiso ah, looguna talo galay in lagu gaadho ujeeddooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
1. In Khal-khal la geliyo Gobonnimada iyo Qarannimada Somaliland.
2. In Shacabka iyo dawladda reer la geliyo argagax iyo jaahwareer.
3. In la dhaawaco kalsoonida lagu qabo xasilloonideeda iyo horumarkeeda.
4. In khalkhal la geliyo Dimuqiradiyada Somaliland ka jirta gaar ahaana Diiwaangelinta imika ka socota.

 
Caado ayay cadowga Somaliland u noqotay inay marwalba khiyaamo cusub isku dayaan markay tallaabo hore u qaadaba. Waxaanu u soo jeedinaynaa Shacbiga Somaliland, Dawladda, Golaha Guurtida, Baarlamaanka, Xisbiyada Qaranka, iyo dhammaan ciidammada Qalabka sida, Booliiska, iyo Nabad-sugida Somaliland in hal meel looga soo wada jeesto oo lala dagaallamo argagixisada mid dibadeed iyo mid dalba.  Waana in gacan bir adag ah lagu qabtaa cid allaale cidii khalkhal gelinaysa Qaranimada Somaliland. Xasiloonida iyo nabadda waa shay aan marnaba gor-gortan geli karin, waana shey aan cidna laga baryaynin. Waxaanu aad ugu dhiiri gelinaynaa Madaxda waddanku inay xil gaara iska saaraan adkeynta nabadgelyada. Waxa kale oo aanu ku kalsoonahay in arrinkani aanu marnaba wax dib u dhac ah aanu ku keenin dhammaan qorshayaasha ay Somaliland u dejisay qabsoomida doorashooyinka inagu soo fool leh, taasoo tusaysa cadowga Somaliland in aanay marnaba hintaaqo gelin karin horumarka .

 
Waxaanu sidoo kale hambalyo halkan uga soo jeedinaynaa dadweynaha reer oo dhibaato kasta oo waddanka lasoo gudboonaataba muujiyey dulqaad, nabadgelyo, wadanninimo iyo isku duubni. waa mid ummada niyaddeeda kasoo go’day, sidii ay weligeedba uga adkaan jirtay cidkastoo soo weerarta ayuunbay imikana uga adkaan ee halkaa dedaalka ha laga hayo oo ha laysku duubnaado.Ugu dambeyn waxa aanu warsaxaafadeedkan ku muujinaynaa taageerada aanu u hayno dadka iyo dalka .

Wa billaahi Towfiiq.

Guul iyo Gobannimo Baaqan waxa diraya oo taageersan:

1. Ururka Somaliland Forum (SLF)
2. Ururka Somaliland Society (SSE)
3. Ururka Tog-dheer Foundation(TAFF)
4. NOMAD
5. S/Land Organization
6. SIRAG
7. SSUK
8. LAW.COM
9. KSFORBUND
10. Aid Group

Comments are closed.