War Saxaafadeed – Somaliland Forum
Somaliland waxa ay jirtay in ku dhaw 20 sannadood himiladeeda koowaadna waxay ahayd inay hesho ictiraaf ay caalamka kaga mid noqo. Iyada oo wax badani inooga qabsoomeen dhinaca horumarka, dimuqraadiyada iyo weliba nabadgelyada hadana weli lama gaadhin hadafkii laga lahaa halganka oo ahaa in ictiraaf caalami ah la helo. Waxa iyana xusid mudan in dowladihii soo maray Somaliland ee kela dambeeyay ay iyaguna waxoogaa horumar ah ka sameeyeen sidii himiladan loo xaqiijin lahaa.
Waxa kele oo iyaguna jira muwaadniin iyo saaxiibo badan oo aynu leenahay oo iyaguna habeen iyo maalin ku hawlan sidii ay caalamka uga dhaadhicin lahaayeen qadiyadda Somaliland. Si kastaba ha ahaatee muddadaas dheer Somaliland kumay guulaysan hanashada hadafkeeda koowaad oo ah in la ictiraafo oo ay ku soo biirto bulshada caalamka.
Si loo lafaguro arrimahaasa iyaga ah loona xaqiijiyo hadafka Somaliland ee ah ictiraafka, Somaliland Forum oo la tashaday ururo kele oo badan iyo khubaro caalami ah ayaa waxa uu go’aansaday inuu qabto shir caalami ah oo lagaga wada xaajoonayo sidii Somaliland ictiraaf u heli lahayd kaas oo loogu magac daray (Somaliland Recognition Conference) kana dhici doona magaalada Hargeisa bilaha fooda inagu soo haya.
Haddaba si shirkaasi uu u noqdo mid sida ugu fiican u dhaca isla markaana ay ka soo baxaan midhihii looga baahnaa waxa Somaliland Forum uu qabanayaa shir kaas gogolxaadh u ah oo ay ka soo qayb gelayaan aqoonyahanka reer Somaliland eek u nool waddanka iyo kuwa debedda ka yimidba. Shirkaas oo ah mid hordhac u ah shirka caalamiga ah waxa lagu lafaguri doonaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin caqabadaha ina horyaalla, jidka ugu dhow ee loo mari karo ictiraafka, wixii inoo qabsoomay muddadaa aynu jirnay iyo weliba dhibaatada ay ictiraaf la’aantu ku hayso bulashadeena dhinacyada kala duwan ee bulshada, horumarka iyo ganacsigaba.
Shirkaasi waxa uu ka dhici doonaa Maansoor Hotel maalinta Axadda ah bishuna tahay 19 July 2009. Shirkan oo socon doona muddo maalin keliya ah waxa ka soo qayb geli doona in ka badan 80 aqoon yahanka reer Somaliland ee ku sugan gudaha dalka ah oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada.
Allaa Mahad leh,
Eng. Cali Cabdillaahi Daahir,
Gudoomiyaha Samaliland Forum