Ururka Qurba-jooga JSL Oo Deeq Gaadhsiiyey Cusbitaalka Guud Hargeysa.

Ururka qurba-jooga Somaliland ee la yidhaahdo Somaliland Forum ayaa maanta markii ugu horeysay deeq-lacageed ku wareejiyey Guddida Caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex Iyo maamulka Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibad loo sameeyey wareejinta deeqdan lacageed oo dhan 7600 $ [Todoba Kun Iyo lix boqol oo Dolar],isla markaana ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah maamulka Cusbitaalka iyo xubnaha Guddida Caafimaadka ee Gobolka ayaa saaka lagu qabtay Xarunta guud ee Cusbitaalka.

Guddoomiyaha cusub ee Ururka qurba-jooga ee Somaliland Forum Eng.Cali Cabdilaahi Daahir oo munaasibada lagula kala wareegayey deeqdan lacageed ayaa sheegay in ururada bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan daafaha caalamku ay ugu talo-galeen lacagtaas inay gacan kaga gaystaan, isla markaana ku caawiyaan dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay Qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee 29 March 2008 ee la soo dhaafay ee lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada Somaliland, Xafiiska hay’ada Qaramada Midoobay ee UNDP ee Magaalada iyo Xafiiska safaarada Ganacsiga ee Ethiopia ku leedahay Somaliland.

“Munaasibadan waxa aanu ugu talo-galay wareejin lacag yar oo qaddarkeedu yar yahay. Balse aanu doonayno inay wax badan qabato, oo aanu ugu talo-galay hadaanu nahay Somaliland Forum, in aanu gacan ka gaysano taakulayn Qaraxyadii ka dhacay March 2008 magaalada Hargeysa, waxyeeladii soo gaadhay dadkii dhaawaca ahaa ee la keenay Cusbitaalka Hargeysa, isla 29-kii March ayay dhamaan Qurba-jooga reer Somaliland oo dhami ku dhawaaqeen ambiil dhaqaale ururin ah, oo aanu warbaahinta gelinay, markaa Somaliland Forum runtii hormood-bay ka ahayd, annaga oo kaashanaynay ururada kale SSE (Somaliland Society in Europe), Somaliland Society in UK, Western Europe, Nomad-net iyo Somaliland Community, markaa waxaanu isku daynay in dhaawacii yaalay cusbitaalka wax lala gaadho, markaa lacagtan xaqiiqatan berrigaas ayaa la uruuriyay, diyaar baanu wakhti badan u ahayn in aanu wareejino, wakhtiga ayuun-baa dib-u-dhac yar nagu yimi.”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“ Arrintan ururada aan magacooda soo sheegay baa nagu wehelinayay, may ahayn arrin noo gaar ah, waana markii u horaysay ee ururada dibadaha ee Somaliland ay ku midoobaan inay deeq deg-deg ah wadankooda la soo gaadhaan. Qadarka lacagtu wuuxu ahaa $7600 Dollar, Iminkana waxaanu doonaynaa in aanu lacagta ku wareejino guddida iyo maamulka Cisbitaalka Hargeysa, si markaa wax ugu qabtaan baahida cusbitaalka wixii ay u arkaan inay wax ka tarayso inkasta oo ay tahay qadar yar, meel baahi deg-deg ah haddiise la geliyo wax wayn bay taraysaa.”

Md. Cali Cabdilaahi Daahir waxa uu u mahad-celiyay ururada iyo Shakhsiyaadka Qurba-jooga ah ee iyagu ka qayb-qaatay taakulaynta dadkooda.waxaanu yidhi “Waxaan u maha-naqayaa dhamaan cidii deeqdan ka qayb-qaadatay,waxanaan rajaynaynaa in aanu wakiil ka nahay in lacagtaasi meeshii ay galayso eegno,oo meel u qalanta baahida dadka ku soo waqafay ay arkaan, waxaan rajaynayaa inaad gelin doontaan, war-bixinta guddidana aanu heli doono, oo arki doono wixii la geliyay. Anaga oo og in baahiyaha cusbitaalku intaa ka badan yihiin, diyaarna u ah in aanu musatqbalka wixii kale ee aanu ka qaban karo ka gaysano.”.

Gudoomiyaha Guddida Caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex,Maxamed Xuseen Caabi oo isna munaasibada ka hadlay ayaa waxa uu uga mahad-celiyay Ururka Somaliland Forum ee ay ku midoobeen Qurba-jooga Somaliland deeqdan lacagta ah ee ay soo gaadhsiiyeen maanta Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, iyo dedaalka ay wax-qabad ah ee ay bulshadooda ula diyaarka yihiin,waxaanu yidhi “Halkan maanta waxa inala jooga xubno ka socda Ururka Caalamiga ah ee Somaliland Forum, caalamka oo dhan buu ururkani joogaa, halkana qolooyin baa u jooga, waxaana maanta ay munaasibadan aynu isugu nimi tahay, waxa jirtay lacag ay Somaliland Forum u uruurisay dadkii ku wax-yeeloobay qaraxyadii 29 March 2008 lala beegsaday Madaxtooyada, Xarunta UNDP-da iyo Xarunta Xafiiska Ganacsiga Ethiopia, taas ayay lacag u uruuriyeen, lacagtaas oo wakhtigaas ka daahday, taasoo ay imi-ka inoo hayaan qolooyinkaa Somaliland Forum metelaya ee Hargeysa jooga, oo ay inagu soo wareejinayaan.”

Suldaan Barre Warsame Shire oo ka mid ah Guddida Caafimaadka Gobolka Hargeysa, oo isna munaasibada ka hadlay ayaa waxa uu uga mahad-celiyay qurba-jooga Somaliland deeqdan lacagta ah, isaga oo xusay in aanay wax-ba ka tarayn baahiyaha ka jira Cusbitaalka, waxaanu ka deyriyey xaalada dhaqaale ee wakhtigan ka jirta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, isaga oo ka codsaday qurba-jooga inay wixii ay soo tari karaan ay soo taraan.

Courtesy: Hadhwanaagnews.

Comments are closed.