Hargeysa (Somalilandpress)- Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen Hal-doorka Aqoonyahanada Somaliland, oo lagu gorfaynayay waxyaalaha caqabadaha ku ah, isla-markaana hor-taagan ictiraafka ay Somaliland raadcaynaysay mudada 19-ka sano ah, ayaa lagu qabtay Hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Kulankan oo loogu gogol-xaadhayo shirweynaha Ictiraafka Somaliland oo dhawaan lagu wado inuu Hargeysa ka dhaco, isla-markaana uu ku hawlan yahay qabanqaabadiisa ururka Somaliland Forum, ayaa waxa ugu horayn hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Somaliland Forum, Mudane, Cali Daahir isaga oo u mahadnaqay ka soo qayb galayaasha kulankan oo waqtigoodii u soo huray sidii ay ugu biirin lahaayeen aqoontooda arrinkan laga hadlayo ee aqoonsiga Somaliland.
Md. Cali waxa uu sheegay in iyada oo bulshadu ay fara badan tahay hadana ay go’aansadeen inay shirkan ku koobaan aqoon yahanka.
Waxa kale oo uu tilmaamay inay tahay markii ugu horraysay ee mawduucan aqoonsiga shir u gaar ah lagaga hadlo,. Waxaana uu ka sanqadhiyay in uu jiri doono shir weyne caalami ah oo lagu lafa guri doono aqoonsiga Somaliland oo ay ka soo qayb geli doonaan dad badan oo aduunyada magac ku leh sida siyaasiyiin, aqoon yahan iyo dad keleba.
Sidoo kale waxa uu xusay uu sheegay in shirkani uu gogol xaadh u yahay shirkaas waxyaabala halkan ka soo baxaana ay noqonayaa qodobo lagaga dodo shirka caalamiga ah ee dambe.
Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo isna madashaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday doorka ictiraaf-raadinta uu galay Golihiisu, isaga oo tilmaamay inay xidhiidh la sameeyeen Goleyaasha Baarlamaanka ee wadamada, Itoobiya, Kiiniya, Uganda iyo Ingiriiska.
Gudoomiyuhu waxa uu ku war-geliyay aqoonyahanadii kulankaasi ka qayb-galay inay casuumeen xubno ka socday Baarlamanada Ingiriiska iyo Kiiniya, waxaana uu nasiib-daro ku tilmaamay in Baarlamaanka Kiiniya oo moshin la xidhiidha ictiraafka Somaliland soo bandhigi lahaa ay wadankaasi ka dhaceen doorashooyinkii rabshaduhu ka dhasheen.
Waxa uu Gudoomiyuhu balan-qaaday inay dedaalkooda sii wadi doonaan, waxaana uu ku ammaanay Somaliland Forum dedaalka ay wado, isaga oo ku dhiiri-geliyay inay ka midho-dhaliyaan shirkan lagu lafo-gurayo waxyaalaha hor-taagan ictiraafka Somaliland.
Sacad Maxamed Shire oo ka mid ah Aqoonyahanada Somaliland,oo munaasibaas ka hadlay ayaa isagu waxyaalaha ictiraafka Somaliland hor taagan waxa uu ku tilmaamay inay ugu horayso dhaqaale-la’aantu.
Waxaana uu tusaale u soo qatay in wadankaTaywoon aanu beesha caalamka ka helin wax aqoonsi ah, balse hadana loola dhaqmo sidii wadan la aqoonsan yahay, iyada oo lagu tixgelinayo kaalinta dhaqaale ee uu adduunkaga jiro iyo waxa uu caalamka ku soo biirayo.
Waxa kale oo iyana munaasibadaasi ka hadlay aqoonyahano kale oo tiro badan, kuwaasoo afkaar kala duwan ka bixiyay sida ugu haboon ee Somaliland ictiraaf ku heli karto.
Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa, laguna gorfeeyo aqoonsiga Somaliland oo Hargeysa ka dhaca, waxa uu gogol-xaadh u noqonayaa shir caalamiya oo dhawaan lagaga hadli doono Aqoonsiga Somaliland, kaasoo ay ka soo xaadiri doonaan wufuud badan, oo isugu jiro, ajnebi, aqoonyahano waxgarad iyo siyaasiyiin dunida magac ku leh.
Source: Somalilandpress