Baaq ku Saabsan Dhacdadii Hargeisa

Ururka Somaliland Forum waxuu ugu horreyn tacsi u dirayaa dhamaan eheladii intii ku geeriyootey iska hor imaadkii foosha xumaa ee shalay ka dhacay Magaalada Hargeisa. Wuxuu ururku Illaahey uga baryayaa dadkii ku dhaawacmay  in uu caafimaad degdeg ah  siiyo.

 Ururka Somaliland Forum waxa uu cambaarayn u soo jeediyaa Xukuumada Somaliland oo iyadu masuul ka ahayd xidhitaanka Golaha Wakiiladda taasoo sababtay iska horimaadkii ay ku nafwaayeen kuna dhaawacmeen muwaadiniinta shicibka ah ee aan waxba galabsan, sidoo kale waxaanu cambaaraynaynaa Ciidamada Boliska ee rasaasta hoos ugu dhigay lana beegsaday dadweynaha, iyada oo isla markaasna aanu canbaaraynayno Xubnaha Dadweynaha ka tirsan ee boobay Hantidida Dadweynaha, isla markaasna gubay Gaadiidka Qaranka.

Wuxuu Ururku aad uga xun yahay cagajiidka Masuuliyiinta Mucaaridka iyo Dawladu ay ka cago jiidayaan inay wada hadal iyo nabadgelyo ku dhameeyaan muranka siyaasadeed ee dalka maanta ka jira, waxa aanu usoo jeedinaynaa in si bilaa shuruud ah ay Xisbiyada Siyaasadu wadahadal ula galaan Xukuumadda, oo ay  si degdeg ah  fadhi  uga yeeshaan xaalada dalka manta marayo

Ugu danbayn wuxuu ururka Somaliland Forum ugu baaqayaa shacabka Somaliland inay marwalba ku dedaalaan inay bananaanbaxyadoodu nabad ku qabsadaan, ayna ilaaliyaan nabad gelyada, kala danbaynta iyo nidaamka guud ee Qaranka Somaliland, anagoo Xukuumadana ugu baaqayna inay faraha kala baxdo Golyaasha Sharci Dejinta kana codsanayna in ay si degdeg ah ay ciidamada uga dulqaado Golaha Wakiiladda.

 Gobanimo bilaash maaha.

  Ururka Somaliland Forum.

Comments are closed.