Talooyin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee waddanka Somaliland

Hordhac:

Ururka Somaliland Forum ee mideeya muwaadiniin Somaliland oo ku nool dalka debeddiisa iyo gudihiisaba, isaga oo ka walaacsan xaaladda siyaasadeed ee waddanka, waxa uu u saaray guddi hoosaad xubnaha ururka ka mid ah, oo ka soo taliya xal u raadinta muranka siyaasadeed ee ka oogan waddanka. Guddigu waxa ay soo jeedisay talooyinkan soo socda.

Midaynta xoogyada ku jira dhexdhexaadinta:

Waxa jira dhaqdhaqaaqyo isbarbar-socda oo ay wadaan muwaadiniin is xilqaamay oo isugu jira Golaha Guurtida, aqoonyahanno, culamaa’udiin, salaadiin iyo ganacsato. Waxa uu ururku soo jeedinayaa in dhammaan ergooyinkaas meel la isugu geeyo tamartooda oo la mideeyo xoogga raadinta xal waara oo la isla oggol yahay, kuna salaysan nabad iyo wanaag doon, oo raacaya xeerarka innoo yaal. Xal-raadintaasi waa in ay hoggaanka u qabtaan hay’adaha sharciga ah ee qaranku Golaha Guurtida, Golaha Wakiillada isla markaana ay fududaysaa Waaxda Fulintu (Dawladdu).

Kala horreysiinta dhexdhexaadinta maxalliga ah iyo ta beesha caalamka:

Somaliland waxay kusoo nabad iyo caano maashay, kuna soo badbaadday, hidde iyo dhaqan fog oo ay u lahayd xal-raadinta dhexdeeda ah, taas oo ku salaysnayd waligeedba isu tanaasul, wada hadal iyo isgarowshiiyo mar kasta laga horreysiinaayay wax kasta danta ummadda.

Xal raadinta beesha caalamku waa korodhsiimo, waana in ay ku ekaataa sidaas. Waxa aannu soo jeedinaynaa in si loo helo xal waara, xalku uu ka yimaaddo dhexdeenna, ku na salaysnaado sharciyada innoo yaalla oo uu ugu horreeyo Distoorka dalku, isla markaa taageerada beesha caalamka ee xal-raadintuna ay noqoto mid kaabis ah, mar kasta bal se taageeraya xalka aynu dhexdeenna ka keenno.

Aan wada hadalno waa aynu heshiinno:

Xoogagga midaysan ee dhexdhexaadinta, oo ay hormuud ka noqonayaan Golaha sharciga ah ee Guurtidu, waa inay miis isugu keenaan hoggaanka saddexda xisbi qaran (oo ah kuwa ay toos u khusayso doorashadu), iyo ciddii kale ee danaynaysa arrimaha doorashada, si looga wada hadlo dhammaan qodobbada miiska yaalla, mid midna looga heshiiyo. Golaha Wakiilladu waa in uu ka mid noqdo xoogagga xal raadinta, isla markaana fududeeyaa siduu sifo sharci ah u waafajin lahaa heshiisyada la isla gaadho.

Muddada xilka ee dawladda hadda joogta:

Maaddaama dawladda masuuliyaddeeda sharci ku eg tahay 29ka Oktoober, 2009, waa lagama maarmaan in dhinacayada oo dhammi ka wada xaajoodaan sida ugu habboon ee loo samayn lahaa dowlad ku-meel gaadh ah oo muhiimada saarta sidii doorashadu u dhici lahayd. Waxaana aan ka digaynaa in dhinac kaliyihi (Guurtida, Wakiillada, Dowladda ama Xisbiyada macaaridku) maroorsado go’aanka iyada oo aan wax la’isku wada raacay jirin, taasi oo abuuri doonta xaalad jaha-wareer hor leh oo aan laga soo waaqsan karin, dalkana bur-bur u horseedaysa.

Golaha Wakiillada:

Golaha wakiillada waxa aannu u soo jeedinaynaa in uu sida ugu dhaqsaha badan u xallilo khilaafaadka dhexdiisa yaalla si uu u hanto xilkiisa ah hoggaanka dejinta, ansixinta ama ku salaynta sharciyada lagu raadinayo xal waara, sidaana uu ugu soo biiro xooggaga dhexdhexaadinta xisbiyada ku baratamaya doorashada. Waxaannu soo jeedinaynaa in Golaha Wakiillada oo ah hay’ad sharci ah, shaqadiisana u madaxbannaan, laga fogeeyo faragelin debedda kaga timaadda.

Hantaaqooyinka farsamo ee inna hor yaalla:

Xannibaadaha farsamo ee jira waxa ka mid ah diiwaangelinta (sixidda, adeegsiga, tirokoobka), taariikhda loo qabanayo doorashada, hanashada kalsoonida xisbiyada ee Komishanka Doorashooyinka, dhammaadka muddada sharciga ah ee dawladda xilka haysa hadda, intuba waa in ay noqdaan arrimaha mid mid looga wada hadlayo ee miiska wada tashiga yaalla. Go’aan kasta oo soo baxaana waa in uu xal u wada helo dhammaantood oo aanu noqon mid ku waajahan arrin keli ah.

Heshiiska oo laga dhabeeyo:

Waxa aannu dareensannahay inay luntay isku kalsoonidii laamaha qaranka dhexdoodu. Waxa aannu soo jeedinaynaa in la abuuro guddi awood leh oo ay xubno ka yihiin goleyaasha iyo xisbiyada qaranka, ganacsatada, hoggaanka dhaqanka, culimaa-u-diinka iyo aqoonyahanka, iyo waliba Beesha Caalamka, oo heshiiskan kormeera, khilaafyada doorashada ee dastuurka iyo xeerarka doorashada laga waayana ka gar-naqda.

Kaalinta shacbiga iyo warbaahinta:

Shacbiga reer Somaliland waxa la gudboon in ay iyagu gaadh ka noqdaan nabadda iskana ilaaliyaan wax kasta oo dib u soo noolayn kara khilaafyo hore dalku uga so gudbay. Waa in ay ka qayb qaataan xal u helidda muranka jira ee ay na ka qayb qaadan ama loo adeegsan hurinta iyo sii fogaynta muranka dalka ka jira.

Shacabku waa inay muujiyaan isku duubni iyo in laga wada qayb qaato sidii dalka doorasho uga dhici lahayd.

Warbaahintu toosan ee danaynaysa aayaha ummaddu waa ka badh badbaadada qaranka iyo hagista dimuqraadiyadda salka ku haysa. Warbaahinta dalka, mid gaar ah iyo mid dawladeedba, sidaa darteed waxa aannu u soo jeedinaynaa in ay noqdaan kuwa ku oodnaada maamuuska xirfaddooda, kana feejignaadaan faafinta dacaayadaha iyo aflagaadada xisbiyada ay dadwaynaha iyo caalamka usoo gudbinayaan, isla markaana sawir fiican ka bixiyaan dalkooda. Warbaahintu waa inay noqoto mid wax toosisa ee aanay noqonin mid wax leexisa.

Allaa mahad leh

Ururka Somaliland Forum

Comments are closed.