War-Saxaafadeed: Ururka Somaliland Forum
Waxaa bishan April 29, 2010, la soo geba-gebeeyey codeyntii lagu dooranayey Guddida Fulinta ee ururka Somaliland Forum ee sannadka 2010-2011. Sida xeerarka uruku dhigayaan guddidu waxay ka koobantahay shan xubnood. Guddida Fulinta ee ururka waxa la doortaa sanad kasta wakhtigan oo kale. Doorashooyinka Guddida Fulinta waxa xaq u leh inay ka qayb qaataan xubnaha ururka oo dhan. Waxaa Guddida Doorashada ee ururka Somaliland farxad weyn u ah in aanu ku dhawaaqno magacyada xubnaha loo doortay guddida fulinta ee Somaliland Forum sanadka 2010-2011, kuwaasi oo kala ah:
Guddoomiye: Ayaan Cusmaan Jibriil (Rwanda)
Goddoomiye-ku-Xigeen: Eric John Raymond (Canada)
Xoghaye: Daahir Maxamed Daahir (Somaliland)
Khasnaji/Lacaghaye: Maryan Muuse Xasan (Somaliland)
Xubin-Guud: Axmed Maxamed Diiriye (Somaliland)
Guddida doorashada ee Somaliland Forum waxay mahadcelin aan la koobi karin usoo jeedinaysaa guddida cusub ee Fulinta ee naga aqbalay is-sharaxaada, muujiyeyna inay diyaar u yihiin inay u shaqeeyaan, wakhtigoodana u huraan ururka Somaliland Forum, dadka iyo dalka Somaliland. Waxa kale oo mahadnaq mudan dhamaan xubnaha ururka oo si xilkasnimo, wadaninimo iyo isku duubni ah ugu codeeyey hogaanka cusub.
Guddida doorashadu ee Somaliland Forum waxa kaloy halkan mahadnaq uga soo jeedinaysaa guddida golaha Somaliland Forum hogaanka u haysay sannadkii tegey. Guddidaasi waxay si hawlkarnimo iyo xilkasnimo u gudatay xilkii cuslaa ee ay u hayeen golaha, dadka iyo dadka Somaliland. Guddidaasu waxay ka koobnayd xubnaha kala ah:
Guddoomiye: Ali Abdillahi Dahir (Somaliland)
Goddoomiye-ku- Xigeen: Osman Hashi Awad (Canada)
Xoghaye: Kaysar Mohamed Abdillahi (UK)
Khasnaji/Lacaghaye: Ayaan Osman Jibriil (Somaliland)
Xubin-guud: Ali Ibrahim Handule (U.A.E.)
Guddida Doorashada Somaliland Forum ee sanadka 2010:
Kamaal Abdillahi Hussein
Mohamed Abdillahi Ducaale
Abdirahman Mohamed Magan
Hussein Mohamed Ali Abyan (Wadaadyare)