War-Saxaafadeed: Ururka Somaliland Forum
SOMALILAND FORUM OO KU BAAQAY WADA TASHI DEG DEG AH OO LAGA YEESHO DOORASHOOYINKA GOLAYAASHA BAARLAMANKA IYO DEGMOOYINKA
Ururka Somaliland Forum wuxu ku guubaabinyaa dhamaan xisbiyadda, ururada bulshada iyo dadweynahaba in haddatan la bilaabo wada tashi lagu gaadho doorashooyin xor or xalaala ah oo loo qabta golayaasha degmooyinka, Guurtida iyo Wakiilada. Iyadoo uu doorashadii dib-u-dhacay ee Madaxtooyadu inagu soo fool leedahay dhawaan, Ururku wuxu soo jeedineyaya in aynaan ilaawin doorashooyinkii kale ee iyana dib-u-dhacay iyo tan Wakiilada oo waqti dheeri ka hadhin mudadii xilkooda.
Ururka ay ku bahoobeen qurbajooga reer Somaliland ee Somaliland Forum isagoo ka duulayo khalkhalkii siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhimihii Golaha Guurtida iyo Madaxtooyada, waxa uu bilaabay wada tashi ku saabsan doorashooyinka soo socda si looga taxadiro dhibaatooyinka ka dhalan kara dib- u-dhac kale oo aan la wada garowsan.
Waxaxaynu wada ogsoonahay in:
- Golayaasha degmooyinka xilligoodii shanta sanno ahaa dhamaaday bishii January, 2008;
- Golaha Guurtidana xilligoodii hore uu ku eka 2003kii, kordhsiimooyinkoodiina ay hadda ku egyihiin 15ka October ee sannadkan 2010;
- Golaha Wakiiladana xilligoodii shanta sano ahaa uu ka dhamanaayo 31ka October, 2010.
Ururka Somaliland Forum waxa uu aaminsan yahay in ummad ahaan ay waajib inagu tahay in aynu ka wada tashano doorashooyinka, taasi oo aanu u aragno in ay fududeyn doonto qabsoomidkooda. Shacbi weynaha reer Somaliland-na guud ahaan, ururada wadaniga ah iyo kuwa qurbajooguba waxaanu ku guubaabinaynaa in ay wadatashigan ka wada qayb qaataan si loo helo tallooyin wax ku oola oo xal waara inoo noqda, oo Baarlamaanka iyo Xukuumaduna ay hirgeliyaan wax kasto hadda inaga dhiman.
Si aynu wada tashigaas u bilowno hadda, bal wixii tallo ah aad noo soo jeedin kartaan fadlan nala eega su’aalahan hoos ku qoran oo intiina e-mail heli karta nagala soo xidhiidha consultation@somalilandforum.org. Waxa aanu aanu rajeyneynaa in tani ay inoo bilaabidoonto wadahal baahsan oo ka dhaca wadanka.
Allaah Mahad Leh
Guddi Hoosaadka Somaliland Forum Ee Doorashooyinka Baarlamaanka Iyo Golayaasha Degmooyinka