Baaq Nabadeed oo ku Socda Beelaha Dirirtu ku dhexmartay Ceel Bardaale.

URURKA SOMALILAND FORUM

Haddaanu nahay ururka  Somaliland  Forum oo ay ku midoobeen aqoonyahanka qurbajooga Somaliland waxaanu si aad ah aanu uga xun nahay dagaalka ka dhacay deegaanka Ceelbardaale, waxa kaloonu si adag u canbaaraynaynaa falkii argagaxa lahaa iyo afduubkii loogu geystay muwaadiniin aan wax danbi ah galin oo dalkooda hooyo dhexdiisa si nabadgelyo ah ugu safraayay, waxaa kale oo  aanu ku baaqaynaa in gacanta lagu soo dhigo, sharcigana la hor keeno kooxda geystay falkan foosha xun ee ka dhacay jidka u dhexeeya magaalooyinka Gabilay iyo Borame.

Ururka Somaliland  Forum waxa kale oo uu tacsi u dirayaa qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen muwaadiniintan geeriyootay, waxaanu sidoo kale Allah uga baryayna inuu caafimaad degdeg ah siiyo inta ku dhaawacantay weeraradan.

Sidaas si la mid ah  Ururka Somaliland Forum waxa uu canbaaraynayaa aadna uu uga soo horjeedaa cid kasta oo ku hawlan hurinta colaada iyo fidno abuurka ee diidan nabad ku wada noolaanshaha umadda Walaalaha ah ee reer Somaliland.

Ururka Somaliland Forum waxa uu ugu baaqaya beelaha walaalaha ah ee ku muransan deegaanada la isku haysto inay dariiqa wada hadalka iyo heshiisiinta geedka hoostiisa ay u maraan xalinta khilaafaadkooda sidii dhaqanka iyo caadada u ahayd umada reer Somaliland, waxaa kale oo aanu kula talinaynaa in laga fogaado wax alla wixii fidno ah ee hurin kara colaad iyo kala fogaansho ee umada walaala ah.

Xukuumada, Xisbiyada Qaranka, Guurtida, Aqoonyahanka, Culimaaudiinka, Salaadiinta, Haweenka iyo ururrada bulshada qaybaheeda kala duwanba waxaanu ugu baaqaynaa inay si mug leh uga hawlgalaan deminta colaadan iyo inay soo afjaraan khilaafkan mudada dheer soo jiitamayay, waxa aanu ku boorrinaynaa inay si cadaaladi ku jirto ugu xaqsooraan beelaha walaalaha ah ee uu muranku ka dhexeeyo.

Ugu danbayn waxaanu usoo jeedinaynaa labada beelood ee muranku u dhexeeyo inay ku qancaan oo ay u hogaansamaan go’aanka ay soo saaraan Gudiyada arrimaha dhexdhexaadinta ku hawlani.

Waad Mahadsan tihiin
Ururka Somaliland Forum.

Comments are closed.