Sharciga iyo Jadwalka Doorashada

Sharciga iyo Jadwalka Doorashada

2.0 Habka doorashadu u dhacayso

2.1 Jadwalka Doorashada

March 06 – March 13: Guddida Dhexe waxa ay ku dhawaaqaysaa habka doorashadu u dhacayso, waxayna soo gudbinaysaa sharciga doorashada, iyaga oo isla markaana ka dalbanaya golaweynaha in xubno ka mid ahi usoo baxaan ka mid noqoshada ‘Guddida Doorashada’.

March 07 – March 13: Lacaghayaha ururka ayaa wuxuu soo gudbinayaa

liiska xubnaha ururka ee buuxiyey shuruudaha xubinimada (bixiyey

gunaddii).

March 14 – March 14: Waxa lagu dhawaaqayaa xubnaha u soo baxay

Guddida Dooarashada. Lacaghayuhu wuxuu si gaar ah ugu gudbinayaa

Guddida Doorashada xubnaha ururka ee buuxiya shuruudaha xubinimada.

March 15: Guddida Doorashada ayaa golaha soo dhexdhigaya liiska

xubnaha ururka ee buuxiya shuruudaha xubinimada.

March 16 – March 29: Xubnaha ururka waxa u bilaabmaysa magacaabista ay soo magacaabayaan cidda isu taagaysa xubnaha doorashada.

March 16 – March 29: Guddida Doorashada ayaa waxa ay iyaguna

dhankooda bilaabayaan in ay si gaar ah ula xidhiidhaan xubnaha ururka ee ay filayaan inay ku habboonyihiin in la doorto.

March 30 – April 13: Codbixintu waxa ay bilaabmaysaa 30ka March,

waxayna xidhmaysaa 13ka April 12:00 habeennimo Eastern Standard Time.

April 14 – April 15: Natiijada doorashada ayaa lagu dhawaaqayaa.

April 16 – April 30: Muddada kalaguurka.

May 01: Guddida cusub ayaa maamulka la wareegaysa.

2.2 Xilliga Codbixinta

2.2.1 Xilliga codbixinta waa in aan xubnaha ururku waxba ka sheegin xubnaha sharraxan. Waxa keliya oo ardaaga loo soo dirikaraa wararka, mawduucyada aqoonkorodhsiga ah iyo wixii degdeg ah. Xubinta jebisa shuruudahan waxa ganaax ku ridaya

Guddida Dhexe.

2.2.2 Xubinta cabasho ka qabta sida doorashadu u socotaa waa in ay si sharciga waafaqsan, oo gaar ah ugu gudbiso Guddida Dhexe.

2.2.3 Guddida Doorashadu ma soo gudbin karto natiijada doorashada, intay doorashadu socoto. Natiijada doorashada waxa keliya ee la soo bandhigi karaa marka ay codayntu dhamaato.

3.0 Habka Magacaabista

3.1 Khibradda Qofka Sharraxan

3.1.1 Si loogu sharraxo doorasho, waa in qofka doorashada u taagani noqdaa mid leh ‘sumcad wanaagsan’ ama buuxiyey shuruudaha xubinimada oo dhan xilliga doorashada dhacayso sida uu dhigayo xeerka ururku, islamarkaana uu u hoggaansanaadaa xeerhoosaadka qeexaya ka mid noqoshada Guddida Dhexe.

3.1.2 Qofka u taagan jago waa inuu noqdaa mid waxtar muuqda ku

darsaday waxqabadka ururka sida ka mid noqoshada Guddi-hoosaadyada, ka qaybgalka mashaariicda, islamarkaana uu muujiyay dulqaad uu kula shaqaynkaro dadka kale.

3.1.3 Qodobkan Xubnaha ayaa u codeeyey in la laalo.

3.1.4 Qofka u taagan jago waa inuu xubin ka ahaa ururka ugu yaraan lixdii bilood ee dambeeyay.

3.1.5 Ka qaybgalka lab iyo dhaddig ee guddida dhexe iyo meelaha ay xubnuhu ku kala noolyihiin waa in tixgelin dheeraad ah la siiyaa, haseyeeshee waa in aanay tani noqon xeer looga baahanyahay qofka jago isu taagaya.

3.1.6 Guddida Doorashada uma furna in ay isasoo taagaan ama loo soo taago jagooyinka Guddida Dhexe.

3.2 Habka loo sharraxayo qofka jago isu-taagaya

3.2.1 Qofkasta oo sumcad wanaagsan leh ama buuxiya shuruudaha

xubinimada wuu isu taagikaraa ama u sharraxikaraa qofka kale uu u

qalma xubin noqoshada Guddida Dhexe ee la dooranayo.

3.2.2 Qofka cid soo sharraxayaa waa inuu marka hore oggolaansho ka helaa qofka uu soo sharraxayaa inuu isu taagayo jagadaas oo aanu ka noqonaynin. Lama aqbalikaro qof la iskaga dhawaaqo sharraxaaddiisa iyada oo aan xeerka la raacin.

3.2.3 Guddida Doorashada ayaa waxa ay iyaguna dhankooda bilaabayaan in ay si gaar ah ula xidhiidhaan xubnaha ururka ee ay filayaan inay ku habboonyihiin in la doorto.

3.2.4 Laba musharrax ugu yaraan ayaa jagadii walba ee Guddida Dhexe ah loo magacaabikaraa.

3.2.5 Haddii musharrax keliyi isu soo taago jago ka mid ah Guddida Dhexe oo ay caddaatay in la waayay qof labaad oo la tartama, musharraxaas ayaa buuxinaya jagadaas.

3.2.6 Musharrax walba waa in la weydiiyo oo uu caddeeyaa kursiga uu doonayo inuu buuxiyo.

3.2.7 Haddii musharrax loo soo taago laba jago, waa in la weydiiya jagada uu musharraxu doorbidayo ee jecelyahay inuu qabto. Laba jago oo kala jaad ah ruux uma wada sharaxnaan karo.

3.2.8 Haddii qof jago loo soo taagay ay Guddida Doorashadu ku hesho in aanu buuxin shuruudaha looga baahanyahay, waa in Guddida Doorashadu si gaar ah ugu wargeliso qofka soo dooray musharrax in aan qofkaasi buuxin shuruudaha doorashada sida laga helay macluumaadka uu soo gudbiyay lacaghayuhu.

4.0 Habka Codbixinta

4.1 Xaq u lahaanshaha codbixinta

4.1.1 Xubinkasta oo buuxisa shuruudaha xubinimada ururka xaq bay u leedahay in ay codkeeda dhiibato.

4.1.2 Guddida Doorashada uma furna in ay codeeyaan.

4.2 Qaabka lagu hubinayo saxnaanta codbixinta

4.2.1 Codbixiyuhu waa inuu codkiisa soo raaciyo magaciisa oo buuxa, magaalada iyo dalka uu degganyahay. Codkii aan lahayn astaamaha kor lagu xusay waa la tuurayaa.

4.2.2 Codkii aan wadan jagada qofku u tartamayo ee aan si fiican

loogu muujin la tirinmaayo. Waa in aan codbixiyayaashu aanay u

codbixin jago aanu u sharaxnayn qofka ay u codaynayaan.

4.2.3 Codka badh sax ah waa la tirinayaa, waa kuwa musharraxa iyo

jagada uu u taaganyahay sax yihiin.

4.2.4 Haddii xubin codkeeda dhiibatay samayso khalad farsamo(tusaale; si khalada fariinti uga soo fakato), ama wax ka khaldameen codka labaad ee xubintaasi bixiso ayaa la tirinayaa oo ka hore waa la iska dhaafayaa. Xubnaha waxa loo oggolyahay oo keliya in ay marqudha ku ceshadaan codbixinta. Lama ogola codsoocilska ku saabsan in xubnuhu musharxii hore mooyee midkale u codeeyaan.

4.2.5 Guddida Doorashadu waa in aanay wargelin cidna in codkoodu anxsanyahay ama khaldanyahay inta doorashadu socoto siin.

5.0 Natiijada Doorashada

5.1 Guddida Doorashadu waa in ay ku dhawaaqaan Natiijada Doorashada sida ugu dhakhsaha badan ka dib marka codayntu xidhanto.

5.2 Natiijada waa in ay ka koobnaataa warbixin ay ka mid yihiin

tirada codaysay, inta cod la tuuray iyo tirada u codaysay jago kasta iyo xubinkasta oo sharraxan.

5.3 Haddii ay dhacdo in laba musharrax ama in ka badani helaan tiro cod ah oo isle’eg waa in codbixin ku noqosho ah oo saddex(3) maalmood soconaysaa loo qabtaa xubnahaas isku midka helay.

5.4 Haddii laba musharrax isku cod helaan marka codbixin labaad la qabto kadib, waa in Guddida Doorashadu ka codsataa labada musharrax midkood inuu ka tanaasulo tartanka.

6.0 Muddada Kalaguurka

6.1 Muddada Kalaguurka, Guddida Dhexe ee maamulka dhiibaysa ayaa

go’aammada ururka oo dhan gacanta ku haynaysa.

7.0 Raacitaanka Habka Xeerarka Doorashada

7.1 Haddii ay dhacdo in Guddida Doorashadu si hufan u raaciweydo

xeerarka iyo habka doorashada loo dhaqangelinayo, Guddida Dhexe ee markaas maamulka gacanta ku haysa ayaa qaadaysa tallaabo kasta oo ay u arkaan lagama maarmaan si ay u toosiyaan habsocodka doorashada.